Wararka goordhaw naga soo gaaray Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in wasiir ku xigeenka ahna wasiirka wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya loo wado mid kamid ah Duuliyayaashii Duqeymaha xooganaa 1988-Kii ka geesaty Magaaladda Hargeysa iyo Burco.
Masuulka loo wado Wasaaradda Gaashan dhiga ayaa lagu soo waramaaya in lagu magacaabo Khaliif Ciise Mudan oo kamid ahaa raggii duqeeyay Hargeysa iyo Burco xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya sida laga soo xigtay masuuliyiin ku sugan Villa Soomaaliya.
Magacaabista Khaliif Ciise ayaa ah mid aan muran ka taaganeyn markii loo eego murunka iminka hareereyay magacaabista Golaha Wasiirada balse waxa ay shabakadda xog ay heshay lagu sheegay in Khaliif Ciise magacaabistiisa aysan ku jirin wax shaki ah.
Kulan ay qaaten Madaxweynaha Soomaaliya, Raisul Wasaaraha, wasiirka aan xilka wareejin ee wasaarada Gashandhiga ayaa lagu jeex-jeexay in Khaliif Ciise uu mudan yahay magacaabista Wasaaradda Gashandhiga waxaana qalinka lagu duugay in Khaliif Ciise uu ahaan doono Wasiirka wasaarada Gashandhiga ahna wasiir ku xigeenka sida xogta ay kusoo gaartay shabakada.
Ugu danbeyntii Liiska Golaha Wasiirada oo iminka yaala Xafiiska Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay Xafiiska Ra’isul wasaaraha xili uu saxiixay Madaxweynaha waxaana liiskaasi ku jira Khaliif Ciise oo isagu dhiig badan ku daadiyay magaaladda Hargeysa iyo Burco Sanaddii 1988, waxaana sidoo kale liiska lagu dhex arkay Wasiiro Cusub oo Dowladii Dhexe katirsanaa.
![]()
|
![]() |
KHALIIF CIISE MUDAN INTAAD TAARIIKHDIISII HORE BAARAYSAY 1988 MAXAAD U SHEEGI WAYDAY 2010 XASUUQII TAANGIYAASHII UU GARSOOR KU WEERARAY OO UU MASUUL KA AHAA DADKII 250 DHIMASHO IYO 300 OO DHAAWACABNTAY LABADA DHINAC IYO SHACABKII RASAASTU HALEESHAY OO UU HOOYOOYINKA IYO ILMAHA AYAGA OO SIKA HURDA TAANGIGA KU WEERARAY.
MISE IRIR KALIYAA SHACAB AH XASUUQOODAANA XASUUQ AH DHIIGAAN QOYAN WAA BALAAYO HA KUGU DUR DURISO