Dalka soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay wadamada lagu dhibaateeyo dadka aftahanada ee bulshada katilmaaman una shaqeeya qeybaha warbaahinta haddii ay ahaalaheyd idaacad, talevition, wargeys, iyo websit dhamaanteen dhibtu wey nagaartay hadana mamuuqato dowlad iyo urur gaara oo inadaafacaya iney na dhibaateeyaan maahane.
Hadaan nahay Dadka hoosyimaada qeybaha warfaafinta dhamaanteen waxaanu nahay dambiilayaal inagoo ushaqeeneena bushadeena sidee baan danbiilayaal ku noqonay? Waxaanu ku noqonay taasi waxaa jira milkiilayaal badi ay ganacsato yihiin kuwaasoo idaacada u furtay iney faa’iido karaadiyaan, milkiilayaasha iyo guryaha ay dagan yihiin waxaa lagu waaridiyeeyaa hub badan, anaga oo ah dadkii ay dhibaatada asiibeyso maxaa nagula waardiyeeyaa waa yaabe.
Wariyaasha ayaa lagu amraa iney baahiyaan warar ayba ogyihiin iney naftooda qatar galineyso, wariyaasha majaajiliistayaasha , iyo abwaanada soomaaliyeed dhamaantood waxa ay qatar inteeda la eg ugu jiraan dowlada iyo urur diimeedyada awooda kuleh dalka
Halka aan hadalka uwado aan abaaree habeen dhaweyd waxaa ladilay abwaan warsame shire cawaale oo ka shaqeenayay idaacada kulmiye isoo uqaabilsanaa iidahyada iyo sheekooyinka waxaa abwaan warsame siweyn loogu xasuustaa kaalinta uu kalahaa sheekada shan daranleey oo ah sheeko xiiso badan iyadoo la’ogyahay inuu isla sheekadaan uu ku dhintay majaajilistihii caanka ahaa Cabdi jeelaani malaaq {marshaale} sidoo kale waxaa dalka uga baxsaday Cabdi muriid dheer ajakis oo haatan kusugan koofurta suudaan.
Ugu danbeen waxaa nala gudboon hadaanu nahay wariyaal, abwaano, iyo majaajilistayaal inaan iskaaga tagno idaacadaha aan ka naxeen nafteena oo ay leeyihiin dadka sida gaarka loo ilaaliyo
.
Wariye: xasan maxamed xuseen {mutawakil}
____________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login