RW Saacid oo lagu wado inuu ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jirto hadal heyn badan oo ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada cusub uu ka bedelan yahay kuwii Xukuumadihii hore, waxaana xukuumadan ay la imaan doonto waji cusub oo ku aadan xubnaha iyo tirada uu yeelanayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waday wada tashiyo kala duwan oo uu la lahaa qeybaha bulshada, waxaana intii ay socdeen wada tashiyada jiray kala aragti duwanaan u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha oo ku aadanaa habka laga dhigayo, inkastoo markii dambe is afgarad laga gaaray.

Warar la helayo ayaa sheegaya in gelinka dambe maanta ama maalinta berri ugu dambeyn lagu dhawaaqi doono, waxaana wararka xoogooda ay sheegayaan in Golaha Wasiirada uu ka koobnaan doono 10-Wasiir.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gadaal ka riixayay in la yareeyo Golaha Wasiirada, isagoo ku guuleystay in Golaha Wasiirada cusub uu noqdo mid ka yar tiradii hore ee 18-Wasaaradood ahaa.

Arrimaha ugu weyn ee yareynta Wasiirada ayaa ka mid ah in Wasaaradaha badan aan loo heyn wax bajad ama dhaqaale, sidoo kalena laga maarmi doono Wasaarado magac u yaal ahaa oo aan howshooda ka muuqan Soomaaliya.

Is bedelada lagu dhex arki doono Xukuumadan ayaa ugu weyn in Haweenka ay ka heli doonaan xil ka duwan xilalkii hore, waxaana loo badinayaa in Qof Dumar ah ay noqon doonto xilka Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

Inkastoo saadaasha soo baxaya ay marba dhinac u badanayaan, hadana guuxa magaalada ka jira ayaa ah tirada Wasiirada oo ka yar tiradii hore, waxaana maalmahan xanta hoose ay aheyd 10-Wasiir ama 14-Wasiir.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.