Xasan Waraabecade Muwaadin Isdhexgalka Bulshada iyo Horumarinta Isboortiga ka qaatay Kaalin Muuqata…

Muwaadin Xasan Waraabe Cade oo ah Muwaadin Mudo dheer ku soo dhexjiray Ciyaaraha mar uua haa Ciyaaryahan iyo Mar uua haa Dhiirigaliye Isboorti ayaa waxaa Xusid mudan inuu Yahay shaqsi Nadiifa oo Daacad u ah Dhiirigalinta Ciyaaraha waxaana Xasan Waraabe Cade Sanadihii la soo dhafay uu Geed dheer iyo mid Gaaban u Koray sidii loo horumarin lahaa Isboortiga Soomaaliland oo ah Hoyga Nabada isagoo dhalinyarada ku caawiyay agab isboorti iyo koobab ay ku Tartamaan Maadama Jaceylka Ciyaaraha wax kasta uu kala weyn Yahay.

Qaar ka mida Bulshada Xiiseeysa Dhinaca Ciyaaraha Soomaaliland oow ax laga weydiiyay sida ay ua rkaan Doorka waxqabad ee Xasan Waraabe cade kaga jiro dhiirigalinta Isboortiga waxa ay sheegeen inuu Yahy Halgamaa Isboorti iy waliba Madaale isboorti Har iyo habeena uu u heelan yahay sidii dhalinyarada loogu wacyigalin lahaa dhinaca Isboortiga Maadama uu yahay Furaha isdhexgalka Bulshada.

Waxa ay u Rajeeyeen Xasan Waraabe Cade inuu halkaa ka sii wado Hadafkiisa wanaagsan kana sii qeybqaato dhiirigalinta Ciyaaraha si Soomaaliland Horumar Fiican uga Gaarto Tartamada.

‘Waxaan aaminsanahay in Xasan Waraabe Cade dhiigiisa uu ku beermay Jaceylka Ciyaaraha Maantana uu Dantiisa Gaarka ah ka horumarinayo Danta Guud iyo Taabo galinta Horumarka Ciyaaraha Soomaaliland’ ayuu yiri Maxamed jaamac Cabdulaahi oo sheegay inuu aad ugu Faraxsan Yahay Dadaalka muuqda ee uu ka geystay dhinaca Ciyaaraha Xasan Waraabe Cade oo ka mid ahan jiray Barisamadkii Ciyaartoydii Caanka aheyd ee Kubada Cagta waxa uuna sheegay in Cd kasta taariikhdu xusi doonto waxa ay qabtaan.

Iksu soo duub Xasan Waraabe Cade waa muwaadin ku dayasho mudan oo markasta u hiiliya dhinaca Isboortiga Xusuusta Isboortigana Baal Dahab ah kaga jira xiligaan marka la eego sida Ciyaartoydii hore ugu dhiiradeen dardargalinta Ciyaaraha.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.