FIKRAD / OPINION | Waxaa Mudo ka badan boqol sano uu loolan siyaasadeed ee Gobolka banadir uu ka dhaxeeyay Beesha Murusade iyo Beesha Abgaal . Loolankas oo ay labada beelood mid walbo rabtay in ay noqto beesha looga danbeeyo arinta gobolka banadir Arinta loolanka gobolka waxay noqotay arin adag, maxaa yeelay beesha Murusade iyo beesha abgaal labaduba waxay degaan Gobolka Banaadir. Gumaystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska ee ka talin jiray dalka marka ay ku adkaatay kala saarka labada beelood ayay u dhaafeen beel walbo degaankeeda.
Waxaana xaduud u ahayd wadada hada loo yaqaan Janaral Da’uud; galbeedka ama qorax u dhaca wadada waxaa loo aqoonsana degaanka beesha Murusade, bariga ama qorax ka soo bax wadada waxaa loo aqoonsana degaanka beesha Abgaal. Markii magaalada Muqdishu ee gobolka banadir loo aqoonsaday caasimada Somaliya . waxaa cirka isku sii shareeray loolankii u dhexeeyay labada beelood , waxaa ku daatay dhiig farabadan, waxaa ku baabay hanti farabadan , waxaa lagu waayay naf fara badan oo labada dhinacaba ah .kadiba markii dalka Somaliya xoriyada la siiyay.
Waxaa gobalka Banaadir ka bilaawday loolan cusub oo ah dhismo iyo degaamayn, Soomaali farabadan waxay u soo guurtay gobolka Banadir oo ay ka dhigteen degaan ama hooygoodii cusbaa, waxaa loolankaas danbe ee dhismaha ku guulastay beesh Murusade, maxaa yeelay waxaa si dhaqso ah u dhismay deeganka beesha Murusade.
Arinta deeganka oo u badanayo dhinaca beesha Murusade waxay ku abuurtay wax garadka beesha Abgaal walwal xaga siyaasada. Allah u naxariistee siyaasigii weyn ee u dhashay beesha Abgaal Mudane Salaad Gabayre ayaa markaliya soo afjaray arinta degaamenta dhanica beesha Murusade, kadib markii uu ka dhigay degaanka beesha Murusade xeryo ciidan sida, Oodweyne, Dugsi Shanaad, Guulwadayash, Xerada 77, Xerada Gantaalada, Xerada Bengalo, Shiirkole Offishaale, Gashandhiga, kuliyada Jaalle Siyeed, Kabista, Warlaliska iyo Jamacada Gahayr iyo meelo kale oo aan lagu soo koobi Karin qoralkan.
Mudane Gabayre waxa uu amar ku bixiyay in aan la degaamayn karin agagaarka xeryaha ciidamada iyo jaamacadah. Arinta Salad Gabayre waxay ka caraysiisay siyaasiyiin farabadan oo u dhashay Beesh Murusade, waxaana indheer garad farabada ay sheegan in arintaan ay raad ku leedahaya dhimashada Salad Gabayre.
Waxaa Lumay loolankii gobolka Banaadir waxaa istaagay dhismihii degaamaynta xaga beesha Murusade waxaan furmay degaamaynta xaga beesh Abgaal.
Waxaa mudo kabadan 60 sano kadib halkaas lagu ogolaysiiyay beesha Murusade in ay noqoto beesha labaad oo degto gobolka Banaadir, Beesha Abgaalna ay noqoto koowaad.
1991 burburkii dowladii Alla ha u naxariiste Maxamed Siyaad Bare, waxaa loolanka siyaasadeed ee gobolka Banaadir ku soo biiray beesha Habargidir, kadibna soo bandhigatay damacooda siyaasadeed ee gobolkii Banaadir waqtigii ay Dowlada uu garwadeenka ka ahaa Mudane Cabdiqasin Salaad ay ka ariminaysay dalka Soomaaliya.
Waxa Beesha Cayr ee uu ka dhashay Madaxweyne Cabdiqasin Salad ay soo istaageen in ay yihiin kaalinta labaad ee gobolka Banaadir halkaasna ay ku keensadeen Mudane Tootow oo u dhashay Beesh Cayr in uu u matelo kaalinta labaad ee gobolka Banaadir . Arintaas waxaa si cad uga biyo diiday beesha Murusade, waxaana halkaas ka abuurmay Ururka midowga maxaakiimta iyo Ururka la dagaalanka argagixisada.
Qore: Mohamed Ali
Tafatire madax banaan
Email: Mogad2012@hotmail.com
_______________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
Xamar waxay ahayd Xamar iyo Xamar daye, Abgaal iyo Murursade mar dambey soo degeen Magaalada. Qoruhu wuxuu ka tagay Xeradii Dayniile uu Siyaad sameeyay, oo meel cidla ahayd markii la dhisaayey. Haddana Dayniile waad ogtihiin sida loo dagay, 1991 ka dib.