Ma dhab baa in waziirada cusub ay wataan Yuhuuda?!

Illa wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in Golaha wasiirada ee Xukuumadda Cusub ay u badnaan doonan Wasiiro ay si gaar ah u wadato Dowladda Israel ee iminka xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Xukuumada Cusub ee Somalia

Dhinaca kale Dowladda Israel ayaa lagu wadaa in Xukuumadda Cusub ay ku yeelan doonto Safiiro kuwaasoo lagu soo waramaayo inay si gaar ah u adkeyn doonan Xiriirka Somalia iyo Israel islamarkaana u kala adeegi doona labada xukuumada

Wasiirada ay Israel ku yeelan doonto Xukuumadda Cusub ayaa tiradooda lagu sheegay 5-Wasiir oo kala ah

  1.                 Wasiirka Gaashandhiga
  2.                 Wasiirka warfaafinta iyo Boostada
  3.                 Wasiirk arimaha gudaha
  4.                 Wasiirka Maaliyada
  5.                 Madaxa Hay’adda Nabadsugida Qaranka

Israel ayaa iminka xoojineysa xiriirka Xukuumadda Cusub ee Somalia waxa ayna wararku sheegayan in Xukuumadda Cusub ee Somalia ay qorsheyneyso in Magaalada Muqdisho ay dhawaan keeni doonto Saraakiil ka socda Dowladda Israel kuwaasoo la sheegay inay tababaro siin doonaan Ciidamada Somalia

Ugu danbeyntii Israel ayaa lagu wadaa inay saldhigyo ka sameysan doontoMagaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiijiyeen Illa wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Ma dhab baa in waziirada cusub ay wataan Yuhuuda?!

  1. Soomaalidii waa waalatay oo waxay ku fududaatay wixii Carabtu madaxa u marisay oo ay ugu weyn tahay nacayb iyo xasaasiyo ay ka qabaan dalka Israa’iil oo ay jirin wax ay ku salaysan tahay. Waxaad mooddaa Soomaalidu in ay dhankaas weli ka qaangaarin.

    Israa’iil iyo Soomaaliya haddii iskaashi dhex maro oo danta Soomaaliyeed ku jirto waa hagaag. Wax wal ba waa in danta Soomaaliyeed ka horrayso oo meel wal ba laga goobo. Ha ahaatee warkaan waxaad u mooddaa in uu yahay kutiri kuteen iyo wax masaakiinta lagu xuuxinayo.

You must be logged in to post a comment Login