Sir Culus… Dowlada Kenya oo banaanka keentay sir dhib keeni karta!!

Dowladda Kenya ayaa waxay markii ugu horeysay ay fakisay sir in badan la qarinaayay, taasoo ku aadan tirada Ciidamada Amisom ee looga dilay hawl-galada ay u jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowaldda Kenya Richard Onyonka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday tirada saxda ah ee Ciidamada Dowladda Uganda looga dilay dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in 2700 oo askari Dowladda Uganda looga dilay dagaalada culus ee ka sii soconaaya dalka Somaliya, isago dhinaca kalana tilmaamay in Dowladda Uganda ay weli ku dadaaleyso, sidii lagu soo afjari lahaa Ururka Al Shabaab.

Dhawaan ayaa wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab laga tir tiri doono sida uu hadalka u dhigay dhamaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, sida uu sheegay.

Richard Onyonka ayaa dhinaca kalana sheegay in Dowladda Kenya 30 askari looga dilay dagaalada ay kula jirto Ururka Al Shabaab, balse wuxuu ku faanay inay iyagu jab xoogan u geysteen Xoogaga Shabaab.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login