Madaxweynaha oo qaabilay wafdi ka socday Switzerland

Mogadishu, Somalia, November  01, 2012 | War-Saxaafaddeed: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Switzerland oo ay hogaaminayeen Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dalka iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd  xasilinta dalka, dib u dhiska  iyo Horumarinta.

Safiirka Dowladda Swiss  ee dalka Soomaaliya ayaa u  sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen  dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya  qorshoodu ballaarin doonaan islamarkaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan Siyaasadda, Dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta  Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo  ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha  Swiss Eveline Widmer  Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.

-  Dhamaad -

Agaasimaha Warfaafinta | Xafiiska Madaxweynaha | Moqdishu, Somalia, media@presidency.gov.so

.

.

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login