Ciidanka Booliska iyo Nabadsuggida oo fashilay weerar ladoonayay in lagu qaado Garoonka Diyaarahada ee Muqdisho

Ciidamada Booliska dowlada Soomaaliya iyo kuwa Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigeen rag ay sheegeen inay qorsheenayeen  inay weerar ku qaadaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Ragan la qabtay ayaa la sheegay in ay wateen hub noocyo kala duwan ah sida AK47, Baasuukayaal iyo Bambooyinka Gacanta iyagoo rabay  in ku weeraraan Garoonka iyagoona la dhax galay qaar kamid ah xerooyinka barakacayaasha ee ku dhowo garoonka si ay halkaasi uga ridaan.

Raga lagu soo qabtay qorshahaan oo aan la hubin tiradooda  rasmiga ah ayaa waxaa ka war herlay gacanatana kusoo dhiigay Ciidamo katirsan Booliiska iyo Nabad Sugida kuwaa oo rasaas ku furay kadibna gacanta kusoo dhigay.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Col. Axmed Xasan Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanak Booliiska iyo Nabad Sugida fashiliyeen weerar la doonayay in lagu qaado garoonka Aadan Cadde ayna soo qabteen ragii ay ku tuhmayeen.
Col. Axmed Xasan Maalin ayaa xusay in ragan hada gacanta lagu hayo laguna sameyn doono baaritaano isagoona xusay in ay kujiraan rag Shabaab ah oo la yaqaan kuwaa oo kasoo dagaalmay Baladweyne iyo meelo kala duwan iyaguna qirteen.
Waa weerarkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu doonayay in lagu weeraro garoonka Aadan Cadde taa ay Ciidamaad Dowlada  ku guuleesteen in ay fashiliyaan gacanatan kusoo dhigay hubkii iyo rasaastii ay wateen raggii lasoo qabtay.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login