Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo uu taageero ugu raadinayo meel marinta Golaha Wasiirada, ka wada Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu si gaar gaar ah u qaabilayo Xubnaha beelaha ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Madaxtooyada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la leh caawa Xildhibaanada Beesha Mudullood ugu jira Baarlamaanka, si uu uga helo taageero Golaha Wasiirada cusub ee wali muranka ka taagan ku dhawaaqistiisa.
Inkastoo kulan xalay sidan oo kale Madaxweynuhu la qaatay Xubnaha Beesha Murusade ugu jira Baarlamaanka uu ku dhamaaday is afgaran waa, markii Madaxweynaha si cad ugu sheegay in aanay xil ka heleyn Wasiirada, hadana galaan-galka Madaxweynaha wado ayaa ah in Mudanayaasha Baarlamaanka ee beelaha uu kala dilo, si marka Baarlamaanka la horgeeyo Golaha Wasiirada ay u helaan kalsoonida.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirada magacaaban ee aan wali la shaacin loo diray Beelahooda, si ay taageero ugu helaan, marka ay timaado Ansixinta, balse waqtiga oo aad u yar iyo caqabadaha isa soo taraya ayaa u muuqda mid Madaxweynuhu uusan ku simeyn Wasiirada, xubnaha Baarlamaanka uu shirar gaar gaar ah la qaadanayo.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa diidan qaabka laga dhigayo Golaha Wasiirada ee 10-ka Wasiir ah, taasoo cadeyneysa in beelo qaar oo horay wasiiro u heli jiray ay ka qadi doonaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku qamaar tamaya ajandihiisa dahsoon oo ay ugu weyn tahay in Baarlamaanka ansixiyo Golaha Wasiirada, si hadii labo jeer ay soo celiyaan Golaha Wasiirada uu awood u yeesho inuu kala diro Baarlamaanka sida ku xusan Dastuurka.
Laakiin Dastuurka ayaa midna qeexeyn in marka ay timaado in Golaha Wasiirada uu labo mar diido Baaralmaanka cida kala diri karta, waana qodobka xasaasiyada leh ee qorshuhu yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ka doodo maalinimada Sabtida.
Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Mudanayaasha Baarlamaanka, kaasoo ay uga gadayaan inay aqbalaan Golaha Wasiirada tiradooda yar tahay.
Si kastaba ha ahaatee guuxa ka jira maalmahan magaalada Muqdisho ayaa ahaa Golaha Wasiirada tiradooda yar tahay iyo sida beelaha ugu qanci karaan, mar hadii awood qeybsiga 4.5 ee horay loo dajiyay in beelo qaarkood ku qadi doonaan.
.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
____________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize