Qabiilada wasiirada cusub aay kasoo kala jeedaan

Ka dib magacaabidii galabta la magacaabay wasiirada cusub ee soomaaliya ayaa waxaan isku deynay in aan aqristayaasheyna usoo tabino magacyada iyo qabiilada aay kasoo jeedaan 10ka wasiiir ee la magacaabay.

  1. Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan  – Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada (Beesha Dir/isaaq)
  2. C/llaahi Abyan Nuur  – Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta (Beesha Dir/Biyo maal)
  3. C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi  – Wasiirka Gaashaandhiga (Beesha Raxwayn/Digil)
  4. Axmed Maxamuud Xasan – Wasiirka Wasaarada Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga (Beesha Raxanweyn /Mirifle)
  5. C/risaaq Cumar Maxamed – Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Badda (Beesha Hawiye/Xawaadle)
  6. C/kariin Xuseen Guuleed – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka (Beesha Hawiye/H/gidir)
  7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil  – Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka (Daarood/Majeerteen)
  8. C/llaahi Ciilmooge Xirsi  – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta (Beesha Daarood,Ogaadeen)
  9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy – Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska (Beesha Shanaad / Jareerweyne)
  10. Maryan Qaasim  – Wasiirkii Hormarinta adeega bulshada (Beesha Shanaad/Banaadiri)

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

.
..
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
____________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

4 Responses to Qabiilada wasiirada cusub aay kasoo kala jeedaan

  1. Marka hore waan din wada salaamay Somali mohamed, teeda labaad in dadka la soo doorto in qabiilkooda la sheego ilama fiicna ani ahaan kii xilka loo dhibo alllaha la garab garo xaqana Allaha tusiyo in la dhaha fiican. Haddii taas la waayey waxaa aniga ila haboon dadka gobaladooda dhibka aad u taabtey in xilaalka loo dhibo si ay dantooda u toosiya bacdama ay dhibka taabatey. Wasiirada Somaliland as women waan ku faraxney in ay noqoto Wasiirka ariimaha dibadda si ay wax ugu qabato ilmaheena qurbaha ku dhibateysan, lakin cuqdadii somaliland hadii ay wadato sharteeda allaha namootiyo, wax yar ayada shaki ka qaba madamey u olloleenjirtey somaliland kana soo horjeedey konfurta, hadii ay maanta ahaan laheed Shukri oo ah gabar Iisaq haddana somali iskugu mid ah aad ayaan ugu faraxsanan lahaa, macalash waxaaba laga yaaba in ay dacad noqoto koley wey dhameeysaa ragga. Viva Women Congradualation Fowzia Xaqqana iska illali.

  2. Qunsulkii hore safaarada somalia ee dalka liibiya Mr muxiyadiin maxamad kaaalmoooooy bababababbabababa oo loo magacaaabay xil macquuul ah oo u qalmo madaxweenaha dalka soomaalia aad baan ugu faraxsanahy mr kaalmooy waana nin gudan karo waajibaadkiisa wlh nin culus waaye xukumada cusub waxaan aaminsanahay nin laxaqirsanaay in ay maanta aragty taasine wexee ku tusineesaa ee cadaaladnimada la isla garty fiiiifa kaaalmoooooy

  3. as/c dhamaan umada somaliyeed meel walbo oo ay joogaan
    salankadib waxaan soo dho weynaynaa qaabka loo soo xulay wasiirada
    ayagana waxaan looga bahan yahay masuuliyada loo dhiibay inay sidii loo gu dhibay u gutaan oo ay xilkasnimo iyo wadaninimo muujiyaan kuna tala galaan inay san eheen wasiiro kumeel gaar ah oo ay san u dhaqmin sidii kuwii kumel gaarka ahaa waxaan idin ka sugnaaba waa wax qabada wanaagsan oo umada somaliyeed meel walbo oo ay joogaan ku farxaan mahadsanidiin brothers an sisters

  4. Waxaan halkan ka salaamayaaa dhamaan shacabka soomaaliyeed salaan ka dib waxaan ka hadli lahaa wasiirada cusub ee la magacaabay waxaa ka dhacday xaqdaro aan geedna loogu soo gaban waxaa nasiib daro ah iyadoo ay jirto indha iska tuurid
    waxaa halkan ka muuqata in beelo badan ay ka muuqdaan balse waxaan oran lahaa ma aha kuwo ay keensadeen dadkii ay ka tirsanayeen waa nasiib xumo iyo dhib kulmisay cadalad darada dalka ka jirta
    waxaan oran lahaa halag fiirsado waxa dhacaya walalaay
    uma wanaaagsana bulshada masaakiinta ah waxaa wax laga noxo ah waxa halkaa ka dhacay
    by;muuse faralaab