OPINION / FIKRAD | W/Q Farah Warsame | Layaab maleh haddaad maqasho wax dhagahaaga ku culus uu dalkii hooyo ee Soomaaliya kaaga yimaado, waxaase la yaab leh in si sahal aad ku qaadataa wax aan kugu habbooneyn. Layaab ma leh in madaxda soomaalidu wax aan nidaam dowladeed aheyn kaaga sheekeeyaan, laakiin waxaa la yaab leh in aad sidii howtulhamagii iska dabagashaa.
Qofkii la socday sidii ay wax u dhacayeen maalmihii ugu dambeeyay khaasatan waqtiga ku baxay magacaabista ra’isalwasaaraha ama wasiirada, rajadu waa halkeeda laakiin qof walbaa oo inaga mid ah mucaarad & muxaafad shaki waa galay.
Shakigii ugu weynaa maantuu na heystaa markii sagaal wasiir naloo keenay. Haddii la is weydiiyo waxa loola jeedo sagaalkan wasiir qofba jawaab ayuu ka bixin lahaa sida haddaba dhacday.
Afeef: Waan ogahay in wasiiradu Toban yihiin laakiin waxaan sagaalka ugu dhaganahay waa asalka ama hadafka qorshaha, ee tobankan dambe waa wax uun ku yimid beelo Muqdisho dagan oo wasiir isku qabsaday. Sidoo kale khasab maaha in aad igu raacdo qoraalkan oo waxani waa baaris ama lafagurid (analyse) aan anigu sameeyay, laakiin in aad is-weydiiso suurto-gal matahay waa lama huraan!!!!
Bal aan isku dayo halka shakigeygu jiro.Inta aaan soo gudbin waxyaabaha uu xambaarsan yahay maqaalkeyga waxaan marka hore jeclaan lahaa in aan iska soo hormariyo su’aalo dhowr ah oo horudhac u noqon doona.
Hadiiba su’aalahaa macquul kula noqon waayeen waxaa laga yaabaa in aad is-weydiiso waxa loola jeedo iyo hadafka laga leeyahay Sagaalka wasiir. Ma u maleyneysaa in wasiiradu Toban-ka lagu dhawaaqay ka badan yihiin? Rumeyso ama ha Rumeysan wasiirada Soomaaliya waxay u dhaxeeyaan 18-20 wasiir. Rumeyso ama ha Rumeysan wasaaradaha dhimani gadaal ayaa laga magacaabi doonaa marka laga reebo Wasaaradda Federaalka iyo Arrimaha Dastuurka.
Xaggee jiraan wasiirada dhiman marka? Ma Dam-jadiid ayaa reebatay? Ma siyaasad ay Dam-jadiid isaga difaaci doonto Baarlamaankaa ayay u reebtay? Mise qabiiladii soo qeyliya ayay ku maslixi doontaa? Ma maamulada soo dhismi doona ayaa meel loo sii dhigay mise shakhsiyaad ayaa madax-salaax loogu reebay? Intaba maaha wasiirada maqani qolo gooni ah ayay meel u yaalaan.
Wax yar aan dib idiin cesho xusuuso shirarkii London (labada jeer), Istanbul, Dubai maxay ku saabsanaayeen? Maxaase loola jeeday erey bixinta Soomaaliya & Somaliland haloo wada hadlo. Dib u akhri wixii looga wada hadlay shirarkaa. Dib u dhageyso faallooyinka & wareysiyada ay shirarkaa ka bixiyeen wasiiradii ka qeyb galay.
Haddaba wasiirada dhimani waxaa qorshuhu yahay in miiska la soo saaro marka la isugu yimaado wadahadalka la qorsheeyay in uu dhex maro waxa ay ugu yeereen “wadahadalka Soomaaliya & Soomaaliland”.
Keliya ma aha in wasiirada dhiman halkaa lagu soo bandhigi doono, waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in wax walba bartankan lagu dhufan doono oo 50/50 wax loo qeybsan doono, sida madaxda sare (madaxweynaha & ra’isalwasaaraha), Baarlamaanka, wasiirada, dhaqaalaha, safiirada iwm.
Khidaduna waxay tahay in Somaliland ka soo dagto ereyga goosashada, kuwa shirka kala qeyb gali doonana lagu qanciyo in qaab siman oo koonfur & Woqooyi wax loo qeybsado.
Barnaamijkan waxaa dajiyay dowlad yurub ka tirsan waxaana fulin doona oo wax ka saxiixi doona haddii uu hirgalo UN, EU, AU, IGAD iyo dowlado kale oo marti ahaan uga soo qeyb geli doona. Waxaana fududeyn doonta dowladda hadda la soo dhisay ee madaxweyne Xasan & R/w Saacid hor boodayaan, waana sababta ka dambeysa tobanka wasiir.
Muxuu yahay qaabkan wax qeybsiga ee 50/50 ku saleysan?
Tusaale in waqtigii i lagu heshiito sida 3-dii, 4-tii ama 5-tii sano-ba qolo dalka hoggaamiso. Jagooyinka sarsare & Wasaaradaha muhiimka ahna la isugu dhufan doono sidan: Qoloba mar ayay hoggaanka ugu sarreeya qaban doontaa, halka qolada kale ay qaadan doonto Ra’isalwasaaraha Arrimaha Dibedda (woqooyi) vs Maaliyadda(koonfur). Gaashaandhigga (w) vs Arrimaha gudaha (k). Caafimaadka(k) vs Waxbarashada (w). Qorsheynta (w) vs dib u dhiska (k) iwm.
Sidoo kale xafiisyada hey’adaha dowladda sida Baarlamaanka & golaha wasiirada la kala dajiyo labada magaalo madax.
Mar haddii qorshe yimaado caqabadiisana waa la socotaa, waxaan dabadeed is-weydiiyay dhinacyadee caqabado ku noqon kara qorshahan. Muxuuse yahay tallaabada xigta haddii sida la qorsheeyay wax u qabsoomi waayaan?
Saddex dhinac ayaan u kala qaadayaa caqabadaha iman kara, weyse ka badnaan karaan.
1. Caqabada ugu weyn waxaa laga fili karaa maamulka Puntland oo sida aan ka warqabno marar badan ayuu maamulkani muran geliyay in shirkani sidii loogu talo galay u qabsoomaan. Puntland waxay u muuqatay awoodda 3-aad ee waxqeybsiga wax ka heli doonta, si taa loo horjoogsado waxaa jira qorshe dagsan in Puntland looga hortago haddii hadalo ka soo yeeraan waxaana ka mid ah:
a) Iyadoo warbaahinta la isticmaalayo in Puntland la cambaareeyo, si dadka soomaalida ah xitaa marka lagu daro shacbiga Puntland loo tuso in Puntland ay tahay caqabadda hortaagan in soomaali isu timaaddo. Puntland dhowr jeer ayay tallaabooyin qaaday,mar walbana waxaa dadka loo tusayay in ay wax carqaladeeneyso, iska daa ummaddii kalee dad Puntland u dhashay ayaa sidaa laga dhaadhacshay.
b) Khalkhal lagu abuuro doorashada Puntland ee soo socota loona kala qeybsho qeybo iska soo horjeeda qaab qabali ahna ku dhisan.
c) Haddii 2-daa qodob shaqeyn waayaan in Puntland lagu harqiyo lacag dhinacyo kala duwan ka imaneysa si ay lacagahaa ugu mashquulaan isuguna qabsadaan ama la geliyo rajo ah in wax badan laga caawin doono.
2. Caqabadda labaad waxaa laga filan karaa maamulka soo socda ee Jubbaland. Jubbaland waa maamul laga soo wado jubbooyinka, maamulkan dhismihiisa dhowr jeer ayaa tashuush lagu furay wuuna socon doona tashuushkan inta shirka la qorsheeyay la qabanayo. Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in culeys la saaro dowladda KENYA ee ah tan caawineysa maamulkan iyadoo loo marayo dowladaha kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Durba arrintani wey soo shaac baxday.
3. Caqabadda saddexaad waxaa laga filan karaa dowladda Mareykanka. Sida looga hortagayo waxaa la isla dhex marayaa in Dowladaha Yurub ay Mareykanka ka dhaadhacshaan in Soomaalidu sidaa wax ku qeybsatay kuna heshiiyeen. Iyo sidoo kale safiirada soomaaliya u fadhiya QM iyo Washington la badalo si Mareykanka aan si kale wax loogu tusin.
Aan u soo gudbo halka aan damacsanahay in aan gaaro. Soomaalidaa ku maahmaahda nimaan waxa soo socda garan waxa jooga ma garto.
Xaggee wax iiga bidhaameen?
Ogoow akhriste, arrintan wax waa iska badali karaan oo dib u gurasho xeelad dagaal waa dhici kartaa laakiin sheekadu inta aan soo sheegay kama foga.
Haddaba haddii xaal sidaa yahay, is weydiintu waxay tahay muxuu yahay xalku? Haddii loo baahdo iyadana waa la hayaa laakiin waqtigii ay surto gal noqoto ayaa la soo gudbin doonaa.
intan ayaan ku koobayaa hadda……..
.
.
Farah Warsame
Melbourne, Australia
_______________________________________________
Share on Facebook
Cariig "hadii la i dilo waxaa i dilay Tarsan&...
Chelsea oo hanatay Champions League 2011-2012,ka...
Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Dhawaaqay Inuu Y...
Masjid cusub oo laga sameeyay Muqdisho
Zenawi's exit? Why EAC should worry
Khudbadii RW Gaas ee ku dhawaaqida musharaxnimadii...
Farmaajo oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Muqdisho
Munaasabada Ciidul-fidriga oo si wanaagsan looga x...
Somali Wounded Journalists Receive Medical Assista...
Xaflad qalin jabin oo lagu qabtay Karachi, Pakista...
Hoteel Casri ah oo laga furay Magaalada Muqdisho (...
Madaxweynaha oo la Kulmay USAID
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

Ninka Melbourne ka soo heesoow warkaaga waa cad yahay waxaad sheegtay in gobol ka mid ah gobolada soomaaliya oo dadaal badan la yimid in la carqaladeenayo gobolo kalena shaki ayaad ka muujisay qaarn waxaa tahay waxbaa loo diidan yahay, soomilidii guud waxaa tiri waa wax ma tarayaal gumaysiga miadoowna waxaa tiri waxay noo samayn lahaayeen waa la carqaladeenayaa, walaaloow ilaahay ha ku caafiyo waad jirab tahaye.