Yaa dabin u dhigay duulaankii Damul Jadiid ?

C/salan Xuseen Cumar (Joker)

Tan iyo markiila doortey Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa soo if baxeysey in talada dalka aay wax ka maamulayaan kooxda damul jadiid , iyadoo shacabka Soomaaliyeed aay ka muujinayeen walaac aad badan kaas oo ku aadan in  madaxeynuhu uu san laheen awood fulineed oo la xiriirta maamulka dalka , sidoo kale aay kooxdaani qaadan doonto xubnaha ugu badan ee golaha wasiirasda sidoo kale waxaaba shaki lagalinaayey in xitaa Ra, isul wasaaruhu uu ka imaan doono kooxdaan , blase taa dabadeed maxaa dhacay ma xantii shacabka ayaa rumoowday?  mise xaalkaa Xasan Shiikh u iishay ? yaase dabinka la helay duulaankii damul jadiid?

Talaabadii koowaad ee uu qaaday madaxweynuhu ee uu kusoo magacaabey Ra ,isul wasaare waan ogaanay in uu san noqon qof xitaa xiriir dhaw la leh kooxda damuljadiid waana nin ganacsade ah oo ku nolaa dalka Kenya , taa markeey maqleen dad badan beey fajac ku noqotay sabab too ah ma aheen magacyadii la hadal haayey ama   loo nisbeynayey in madaxweynuhu uusoo magacaabi doono sidoo kale ma noqon qof kascoda damul jadiid iyo waliba xisbiga nabada iyo horumarka ee uu madaxweynuhu kasoo jeeda , taana waa qeeb cusub oo ka mida cadaalada madaama dhibaatooyinkii hor yaalay madaxeynaha ee ka mid ahed arinta 4.5 oo ah tan aay wax ku qebsanjireen dowladihii tan ka horeeyay tan iyo burburkii dalka iyo raalin galinta kooxda damul jadiid oo ah koox si aada ugu dhawdhaw madaxweynaha , sidoo kale waxa caqabada sedexaad aay ahed sida uu u raali galin karo xisibiga uu kasoo jeeda ee DPD, bals etaa madaxeynuhu xal ayuu ka gaaray waa uuna magacabaay Ra,isul wasaarihii ku haboonaa.

Kadib ku dhawaaqidii R/ Saacid waxeey kooxda damuljadiid weerar aay san u kala harin kusoo qaaday sidii aay u xaaban lahaayeen golaha wasiirada ee dowlada cusub lakin taana masuuro galin lamana magacaabin dadkii aay door bidayeen , sidoo kale lama magacaabin tiradii aay rabeen kooxda damul jadiid waxana ka muuqaneeyso in madaxweynaha iyo Ra,isul wasaaruba aay isticmaaleen awoodooda iyagoo la kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada , waxaana laga dhigay 10 wasiir oo micnaheedu tahay in loo simay dhamaan qabiilada Somaaliya , waana tan labaad ee aan dhihi karno waa cadaalad soo ifeeyso mar hadii meesha laga saaray 4.5 .

Wasiirada cusub ee lasoo magacaabay damauljadiid kuma yeelan kalaintii lagu xamanayey in madaxweynugu uu siin doono sabab toon ah waxa uga jiro 1wasiir oo qura waakan arimaha gudaha mr c/xakiin guuleed oo hey,daiisu muslim ifriqiya aay fangareen jirtay madaxweynaha xiligii uu ololaha ku jiray waana nink akaliya ee lagu xusi karo damuljadiid ila iyo hada xil lahubo ka qabtay dowlada cusub, waana tan la dhihi karo waa aay ku fashilmeen damauljadiid dagaalkoodi ahaa ineey maja xaabiyaan maamulka dalka aayna aruursadaan dhamaan jagooyinka muhiim ka ah ee dowlada cusub , waana tan la dhihi karo Xasan Shiikh waxa uu dabin xoogan la helay kooxda damul jadiid o uu yareeyay samentooda dowlada.

Waxaa kale oo aay ku fashilmeen ineey sameen balaaran ku dhex yeeshaan gudaha madaxtooyada taas oo ku muuqaneeyso markaad gudaheda gasho in wali xafiisyada aay ka shaqeynayan shaqaalihii hore, waxaa kale oo aay san samen ku lahen arimaha ciidamada oo dhamaantood damul jadiid wax aqoon badan aay san u laheen .

 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 11, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.