Riyada Keenya ee Kismaayo!

 OPINION / FIKRAD |

Col. Mohamed Farah Ali

 Yaa ka maas’uul ah in dowlada Kenya ay ku amar taagleyso Magaalada Kismaanyo isla markaana ay Garoonka diyaaradaha ee Kismaanyo ka soo celiso wafdigii Madaxweeynaheenuu uu diray?

Sida taariiqdu sheegeyso  Keenya iyo Itoobiya waa laba doowladood oo aan deris nahay mid kasta oo ayaga ka mid ahna waxay waligeed ku hamineysay, in ay dhulkeeda balaarsato oo ay dhulka Soomaaliya qayb ka mid ah qabsato, kadib markii ay xalaaleysteen kii hore ee isticmaarku ku wareejiyay.  Wax badan ayay indheergarad, aqoonyahano, saraakiisha milateriga ah, dumarkii xureynta dalkeena naftooda u huray iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka digeen in dowladaha  aan deriska nahay aan ciidamadooda loo ogolaan in ay dalkeena soo galaan xaalad kasta oo dhacda  laakiin arintaas waxaa diiday oo maya yiri madax Soomaaliyeed oo dalkooda iyo dadka Soomaaliyeed  ka doortay in ay xagsadaan jagadoodana ilaalsadaan.  

Sida Madaxweynihii hore Abdullhi Yusuf (AUN) uu si sharcidara ah dalkeena u soo geliyay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka badan 30,000 (Sodon kun) oo ku qalabeeysan hub casri ah, sida Diyaaradaha dagaalka, Tangiyada, Gawaarida gaashaaman, Boobayaasha darandooriga u dhaca oo casri ah,iyo weliba meelaha qaarkood dadweynuhu sheegeen in ay isticmaaleen sun halis ah oo dilaa ah. Ciidamadaas cadawga ahi waxay shacabka Soomaaliyeed u geysteen xasuuq iyo barakac baahsan.  

Al-shabaab waa cadawga dalka, dadka iyo diinta Islaamka, waxaase ka sii daran Itoobiya iyo Keenya oo doonayo in ay dalkeena qabsadaan gumeysi cusubna nagu celiyaan. 

Gumeeysi ma kala jecla Hawiye, Darood, Dir iyo Digil iyo Mirifle ee Soomaalidu waa iskugu mid, taariikhda dib u eeg aaway kuwii saaxibka la ahaa isticmaarkii dhulkeena gumaysan jiray, waaxay ku dhinteen gacantii gumeystaha,  kuwa hadda dabadhilifka u ahna sidaas oo kale ay ku danbeendoonaan.

Marka aan ka jawaabo su’aasha uu xambaarsan yahay maqaalkan, waxaa qabsashada Keenya ee deegaanada Jubooyinka qaarkood iyo magaalada Kismaanyo ka mas’uul ah xukuumadii Cabdiwali Maxamed Cali  Gaas uu R/wasaareha ka ahaa,  Madaxweynihii hore Shariif  Sheekh  Axmad, Gudoomiyihii hore Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha maamul  Gobaleedka Puntland Cabdirahman Faroole, oo kadib markii dowlada Keenya ciidamadeedu ay si bareer ah oo gardaro qaawan ah weerar ugu soo qaadeen dalkeena  aan mooqif adag  la iska taagin sidii ciidamada Keenya dalkeena looga saari lahaa.  Laakiin nasiibdaro ayaga oo aan tixgelin Barlamaankeenii iyo dadweynaha Soomaaliyeed rabitaankooda u ansixiyay una sharciyeeyay  inay ka mid noqdaan ciidamada AMISOM taas oo suurtagal uga dhigtay Keenya in ay qabsadaan deegaanada dalkeena ee ay hadda ay heystaan, kuna amar ku taagleenayaan.  

Sidee dalkeenu horumar u gaarayaa haddii kuwii dhacay xoolaha dadweynaha, kuwii cadawga u soo horseeday dalkeena iyo kuwa wax matarayaaasha ah ee aan garaneyn xilka ka saaran dalkooda  ay qaar ka mid ah ka mid yihiin xubnaha Barlamaanka jagooyin sar-sarana ka hayaa dalka ayaga oo ku kasbaday  laaluush ay ku bixyeen lacagihii ay dadweynaha ka dheceen.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aad la shaqeeysaan Madaxweynaha cusub Prof. Xasan Sh. Maxamud, R/wasaare Cabdi Faraax  Shirdoon iyo Barlamaanka, wax walbana ay idinkala weynaato Nabadeynta, Midnimada iyo Madaxbanaanida dadkeena iyo dalkeena.

 

Aaway hobaladii murtida, gabayada,  geeraarka, guurowga, heesaha iyo riwaayadaha ku caanbaxay ee shacabka Soomaaliyeed ku hanuuninjiray difaaca dalkooda iyo xoojinta midnimadooda.

.

.

Col. Mohamed Farah Ali Kala soo xariir Aliyow1@hotmail.com

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 13, 2012. Filed under Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

10 Responses to Riyada Keenya ee Kismaayo!

  1. somalay hal mid madaxa gasho kismayo maanta weeyi barina waa midkale lakin lagagama baahna in aad calacasho ama ama aad kamurugooto qalad horay ay siyasiyiintaadu u gashay.Halka wax ee loobahanyahay in madaxeena uu galaa waxa weeyi anagaa leh kismaayo iyo somaliya cid iskudaydayna inay qabsato waa kinya kana yeeli mayno hadanu nahay dhaliyarta somaliyeed.

  2. Asc walalanigu kama hadlayo qabiil qabiil lkn waxaan kahadlayaa waxa danta umada somaliyeed ku jirto melkas oo ay joogaan waxay kurumar nabadgalyo qaranimo midnimo ku gaari karaan waa isku duubni qabyaalad leyska daayo somalia 21 bey dagaalameysey maxaad ka faaiideen waxaan cadaab colaad dhaawac barakac baabi in iyo bubur ahayn kameydaan faaiidin ilah kacabsada rslkiisa kusaliya scw nin walow naftaada xisaabi intaan lagu xisaabin asc

  3. AAD BAAN CALI COMMENTKIISA ULA DHACSANAHAY, WAX SAX AH AYUU KA HADLAY, ODAYGAAN MURURSADE OO EEY QABYALADDU GOOGOYSAY OO CANADA CEYRTEEDA WELI QAATA, OO HADDANA LEH PROF HASSAN HALALA SHAQEEYO AYAAN RABAA INAAN WAX YAR U SHEEGO, ADEER HORTA HASSAN PROFFESOR MAAHA EE DARAJOOYINKAAN BEENTA AH OOD ISKU TAXDAAN KA XISHOODA FOR ONCE, TAN LABAAD ABDULLAHI YUSUF AUN TEE MARKAAD LEEDAHAY ETHIOPIAN BUU SOO GELIYEY MIYAAD TAASI HUBTAA, SHEIKH SHARIIF BAABA INTUU KEENAY KA BADNEYD BALSE UMA JEEDID TAAS, ADEER HASSAN DAMEER ADIGU ORODOO KALA SOO SHAQEE NGO YADA, KENYA KISMAAYO IYO DHUXUSHEEDA AYAAD KU WAALATEEN, KENYAAN ANNAGA CADOW NOOMA AHA, CADAWGEYGU WAA KAN II DILIYAA OO II XOOGAYA OO MAALKEYGA U DHACAYA CALASHAAN DAROOD BAAN AHAY, HADDAAN U SOO LAABTO SOOMALIYANA CADOW AAN HAWIYE AHEYN MA LAHA WAA HADDII AAN RUNTA LAGA BAQAYN, WAA CAWAANTA ADDUNKA UGU XUN. NIN WALBA MEESHUU DAGO HA KU EKAADO IN LAYSU YIMAADO WAA HABEEN XALAY AH OO TAGAYEE. WAXBA YAAN KEENYAAN LAGU MARMARSIIYOON, ISKA SAARA DJIBOUTIANS AIDSKA WADA QABA OOD U YEERATEEN.

  4. @Wiilwaal adeer anaa kaa waalan, Somali hadday cadaw leedahay waa hawiye, Hawiye somalinimo, islaanimo iyo xataa inyar oo baniiaadanimo ah hadday ku jirto Somalia sidaa uma galeen, haddaad sharaf leedihiin ama aad dadnimo ama gobanimo wax ka taqaanaan bal isfiiri Muqdishana fiiri ma wax xumaan la yiraahdo baad cid aad ula harteen baa jirta, burburin dhac, kufsi, dil, iyo wax alla wixii uu ilaahay xaareemeeyey baad dharaar cad xalaaleysateen adeer tani mid fac ka fac idinka haraysa maaha ama fadhi kudirira ama qayliya ama biro liqliqa. Ethiopia waa kirishtaan Kenya waa kirishtaan adinku diinta aad haysataan iisoo sheega, cawaan baad tihiin aan diin dadnimo wax shaqo ah ku lahayn Somaliana waa in Hawiye laga qabtaa haddii kale cawaan nimuu u taliyey oon ilaah iyo rasuulkiis midna wax ka aqoon waxba kama duwana.

  5. WAR HADII LAGU XUMEEYAY WALI BARAKUDU WAXAY KU JITAA INTAAD SAMIRTO CADAWGII KU DILAY INAAD KA XISHOODSIISO INTAAD CAAWISO EE KUMA JIRTO SIDA CADAWGII AY REER MUQDISHO KUU MOODEEN INAAD ISKU SHAABADAYSOO AAD CADAWGA SOOMAALIYEED SOO RAACDO HADANA WAXAAN KU LEEYAHAY WAXAAD HESHO WAXNA HAYGA SIIS ANIGA IYO ADIGUNA MEESHII AYAANU FREEZE KU AHAANAYNAA WAA INAAD WAXAAS LA ILOOBO AAN YURUB KU DAYANO HADII KALE CADAWGII AAAN KU MOODAY BAAD WALI TAHY EE OGOW WAXAY SOOMLIDRI DAMEERKAAN KU FADHIYO MAXAY DHUUSADIISU IGA TARAYSAA WALI REER MUQMUQDISHO ADIGAA U U BAAHANE BAL HAL WAX OOD NAGA CAAWISO SHEEG WAXAANAHAY MALYUUMAAD MAALQABA DIIN LEH CILMI IYO GOBANIMO WAAYO NIN KII HABEEEN NALA HOYDO MEELKALE WUU QABAN WAAYAY BAL ADIGUNA JAAJUUS KUMA ORAN KAREE WAX KU XABASHI OO ADUUNWENUHU TAAGEERAYAY BAAN QUUSIAY GEESINIMIMANA ALLA NA SIIYYAY WAAN MAHADE GAAJO XUMOOW XEEY KU TAREE JAAJUSNIMO XABAHEYGASIIN II HAAY

  6. waxaan u maleynayaa somalida markey wadaniyad iyo diin iyo wax walba oo ay ku hadlaan in ay uu ugu qarssoon yahay agenda ama muraad kale oo ay kaleeyihiin. fiicnaan laheydaa hadii wadaniyiin taan tirada badan oo kismaayo ka naxsan ay wadaniyiin ahaan lahaayeen oo qabiileystayaal aysan aheyn waliba ka xun qabillo masaakiin ah oo 20 sano dhib kunoolaa in dagan kooda maamul saeystaan? war maxaa laga rabaa walaalihiin hadii ay maamul samaysanayaan? dowlada waxaan ugu baaqayaa kuwaan maamulka ayagu sameysanayaa in ta dhaaftiin kuwa galgaduud iyo hiiraan oo waxay isku dayeen jirin in aad caawisaan si federaal ka loo hirgaliy. somalia waa u dhamaatay hadii nololshii la isku diidanyahay.

  7. QOraalku waa mid meel muhiim ah taabtay, waana mid loobaahan yahay in umadda wax garadka ahi ay ogaadaan waxa soo socda iyo waxa hadaba socda.

    ALA AYAAN DARANAA ninkaan leh GUMEYSIGA ITOOBIYA iyo KEENYA ayaa iiga roon Soomaaloo isku tagta. War nin yahay Xusuuqa waa lasoo wada maray, kaligaa dhib kuma gaarin ANIGAN kula hadlaayo dhibkaada mid kadaran baa isoo maray anigoo dumar ah weliba. Waana ka xumahay wixii Soomaali isu geysatay. Waxaa rajeynaa ILAAHAYNA ka baryayaa in QALIBIGEENA SAAFI isaga kaaya dhigo. Gumeysiga adiga waad kaso carartay laakiin dadbuu weli dultaagan yahay marka aaan u duceyno in ILAAHAY amuuraha Soomaaliya fududeeyo MADAX wax garad ah oo XALAAL QUUDATA ahna umadaa u sahlo.

  8. Adniga waan ku raacsanahay Korneelka, qabsashada Kismaayo ee Kenya waa wax soo jiitamayay ee maahan wax ay hada Kenya ku dhaqaaqday. waxaa jiray qariidad uu Zanaawigii Itoobiya dejiyay in Soomaaliya dhankasta laga soo galo. Kenya waxay sugeysay fursad ay iskuugu baahiso Kismaayo. Mawaadan arag WAJEER sida Soomaalida loogu baarto? markii la xaqiijiyay WAJEER ayaa la ogaaday in Kismaayana lala wareegi karo. Arimaha madaxdii hore ay sameeyeen qalad iyo saxba waxa ahaato waxaa laga baqayaa kuwan hada cusb inay iyana ku dhacaan QODKII looqoday.

    Soomaaliya ILAAHAY jid xalaala ha u furo …. aamin.

  9. Somalida aad sheegayso meeday markii muqdisho laigu gumaadayey, oo sida xaqdarrada ah dhiigayga loo xalaalaystay ma ilawday colnel qabyaaladaystaw 1991kii xamar wixii laigu sameeyey ii sheeg sababta anigoo ilmo yar ah oo miskiin ah oo aan tabar badan xataa aan ku shaqaysto lahayn oo agoon ah dawlad iyo waxa socda aan war iyo wacaal toona u hayn in heeb iyo waa reer hebel ee ha dilo laisoo qaxiyo oo ilaa iyo maanta aan gurigayagii tegi karin adeer goobjoog baad ka ahayde haddaadan ka mid ahayn wixii waxaa igu sameeyey ka waran waxa aad ka hadlayso. dawladnimo, waddaniyad, qaranimo, islaannimo iyo wixii muqdisho ka dhacay iyo koofurta somalia 20 sano dil, dhac, kufsi, burburin fasaad xasuuq aan loo meel dayin wax is waafaqi kara ma yihiin dadkii waxaa sameeyey diyaar uma ihi inaan ka aargoosto mooyaane waddaniyad dawlad iyo wax la mid marna inay na dhexmaraan waa habeenkii xalay ahaa oo tegay KENYA IYO ITOPIA HA KU GUMEYSATO AYAANA DHAANTA.

    • asc wr wb marka xiga ninkaagaan cali la baxay waligaa baad jecleed kenya iyo ethopia waana adiga dhahayo anigoo yar baa la igala soo cararay somali oo dhan baa soo carartay kugu kaligaa maahan laakiin waxaa kuu kali ah gumeysi jaceylka oo waligaa ayaa somali isutimaado necbeyd somalidu waxay tiraahdaa ninkasto wuxuu reerkiisa qabo ayuu lasoo baxaa somali necaybkana waa la idinku yaqaan