KISMAAYO MAXAA KA YAAL? (Qormo)

 

Mohamed Abdullahi Dhaaley | Qaranimo Online

Talaabada aan qaadayno

Midkii turun tureeey maagan

Tumaatida ku dhici doonta

Taasina is waydiin leh!


Ninka tuhunsan Soomaali baa tamar yarooow

Inta aad dhib wayn taransan

Aan talo ku siinee WARHOOY

Timir laf baa ku jirta*


Inkasta oo dadka Aduunyada ku nooli ay yihiin ood-wadaag isku baahan oo aan midkoodna midka kale uga maarmeyn hagaajinta howlihiisa aduunyo, hadana waa hubaal in qof kasta uu leeyahay waxyaabo u gaar ah oo uusan qof kale lasoo fara galin karayn. Hadii lagusoo fara galiyana waa ay hubantahay in diriri ay imaanayso oo qof kastana uu is diifaacayo.

 

Waxyaabaha la kala leeyahay laguna dagaalamo waxaa ugu wayn marka Sharafta iyo Shaqsiyadda gaarka ah ee dadka lagasoo tago, Dhulka, iyo Hantida gaarka ah.

 

Waxaa halkan imaanaya oo labadaas aan sheegayba ay hoos tagayaan Wadanka oo kulminaya Dhul, Dad, dowlad iyo waxyaabaha kale ee gaarka u ah isu taga dhinacyadaas.

 

Dunidu waxay soo baratay dagaal, khilaaf, buuq, iyo hardan adag oo dalal badan soo dhex maray. Kuwaas oo xiisadahoodu ay salka ku hayeen isku xad-gudub iyo damac dheeri Dhul iyo hanta ku qotoma.

 

Wadamo badan ayaa awood sheegtay oo dalal kale ku duulay, natiijaduse waxay noqotay dagaal iyo is-difaac dhaliyay inuu Dhiig badan daato. Waase hubaal in gaba-gabada Dhul qabsigu uu yahay guul ay dadka Dhulka lihi ka gaaraan kuwa soo gar-darooday. Tanina waxaa loo hayaa taariiikh iyo tusaalooyin horay u dhacay.

 

Hadii aan usoo daa-dago Qormadaydan, waxaan kaga hadlayaa sida ku cad Cinwaanka kore, arrin aan anigu u arkay dad badanina igu raaceen inay tahay nooc cusub oo Damac-dheeriga Dhuleed ee dunida ay horay usoo aragtay ah.

 

Aduunyadu waxay haatan maraysaa xilli laga gudbay Gumeysiga iyo Dhul-boobkii horay u jiray. Waxaase wali jira Dalal iyo dhinacyo ku fikiraya in Xuduudaha uu Caalamku ku kala baxay ee lagu kala xadeeyay Dhulalka ay dowladuhu kala maamulaan ay ku xad-gubaan si ay Dheeraad u helaan.

 

Hadii aan gudaha Qoraalka iyo runtiisa usii dhaadhacana, waxaan ka hadlayaa arrinta magaalada Kismaayo. Halkaas oo ah mid ka mida Magaalooyinka ugu waawayn dalka Jamhuuriyadda Somalia, suurta galna aysan ahayn inuu Dalku ka maarmo ama ay iyadu ka maaranto.

 

Somalia waa dal ay Dadkiisu ogyihiin, Duniduna si dadban iyo si toos ahba ugu ogtahay inuu tabanayo gardaro iyo dulmi Gumeysigii hore uu kusoo sameeyay dalkan. Waxaana Jamhuuriyadan Dhulkeeda ka maqan Dhul aad u ballaaran oo dad Soomaaliyeed ay leeyihiin, kuwaas oo ay haatan maamulayaan dalalka dariska ah sida itooobiya iyo Kenya.

 

Iyadoo ay sidaas ahayd baa dagaaladii Somalia ka qarxay Dabayaaqadii Qarnigii hore(1990-kii) waxaa ka dambeeyay maamul la’aan iyo burbur dalku uu gorada la galay.

 

Dalalka Dariska oo la rumeysanyahay inay ogolaasho ka heysteen Caalamka kalena waxay u dhaqaaqeen hurinta Colaadihii socday si ay u xaqiiqsadaan Dano siyaabo kala duwan loo micneeyay oo ay iyagu leeyihiin.

 

Iminka oo dagaaladii ay culees yareeyeen, nabad-galiyaduna kasoo bidhaamayso cidhifyada dalkan ayaa waxaa soo shaac baxaya cadawtooyo cusub oo lagu wiiqayo rajada bulshadanu leedahay waqtigan.

 

Magaalooyinka dalka oo ay Xoogagga Alshababku maamulayeen baa waqtiyadii dambe weerarro waxaa kusoo qaadayay Ciidamada dowladda Somalia, awoodo kale oo Soomaali ah iyo Ciidamo shisheeye oo qaarkood dalalkii hurinta colaadda Somalia lagu tuhmi jiray ee Dariska ahaa ay ka socdaan.

 

Magaalada Kismaayo ayaa u dambeysay goobahaas weerarka lagu ekeeyay si meesha looga saaro waxa ay dhinacyadaasi ku sheegayeen argagaxisada,looguna ogolaado dowladda Somalia inay awoodeeda dalka ku balaadhiso.

 

La mood noqonse wayday!! Sidaas waxaa isu badalay howlgalkii Sanadka socday ee Ciidanka Kenya oo ay Xoogag badan oo Soomaaliyeed magacyo kala duwanna sita ay wehlinayeen, kuwaas oo kasoo dhaqaajiyay gudaha Kenya iyagoo kusoo jiheysnaa Somalia.

 

Waxay gacanta ku dhigeen Ciidamadan magalaada Xeebta leh ee Kismaayo. Taasina waxay dhacday Saddex Sano oo halkaas ay Alshababku maamulayeen dabadeed.

 

Markii Ciidamadani ay halkan soo gaareen waxaa xoogeystay nux-nuxda hoose ee ay Warbaahinta Soomaalidu qaad-qaadeysay, taas oo salka ku heysa in data Ciidankani ay deegaanka ka leeyihiin ay ka duwantahay waxa ka muuqda magaca howlgalkooda iyo hadalada ay Warbaahinta siinayaan.

 

Kenya oo waqti hore ku eedeysnayd neceybka iyo abuurista caqabado diidaya in dowlad iyo nabad laga helo Somalia ayaa waxay kusii tarax tagaysaa falalka guracan ee ceynkaas ah.

 

Waxaa xusid mudan in Kenya ay iyadoo horay u maamuleysay Dhul ay dad Soomaaliyeed leeyihiin oo uu heshay markii Gumeysigii Reer galbeedku uu kala qaybiyay dal-weynihii Somalia, Dabayaaqadii Qarnigii 19-aad.

 

Iminka Waxaa lagu eedeeynayaa dowladda Kenya inay doonayso la wareegista magaalada Kismaayo iyo Dhulka ku xeeran si ay ugu biiriso Dhulka ay iyadu maamusho ee dalkeeda hoos taga.

 

Taas waa arrinta ugu mugga wayn ee Kenya lagu eedeynayo, waxaase jira arrimo kale oo ay ku jiraan inay ugu yaraan doonayso in maamul iyada ku Siyaasad ah uu deegaanka ka hana-qaado, iyadoo aan loo aaba-yeeleyn maamulka dalka guud ahaan ka jira.

 

Eedeymahaas qaarkood ayaa soo if-baxay markii mudo kooban laga joogay qabsashada Kismaayo. Waxayna ahayd markii ay Ciidamada Kenya iyo awoodaha Soomaalida ah ee la socda ay soo celiyeen Wafdi dowladda Somalia ka socday oo Kismaayo tagay.

 

Waxaa kale oo iyana dhibaato ahayd Dhuxul badan oo Dekeda Kismaayo tiilay, taas oo markii dowladdu ay amar kusoo saartay inaan halkaas laga dhoofin karayn ka dib ay Kenyanka iyo Soomaalida la socotaa ka biya diideen amarka dowladda dalka, kuna dhaqaaqeen Dhoofinta Dhuxushaas.

 

Wali Kenya waa ay ku sugantahay Kismaayo, wax cad oo ay ku sharaxayso joogitaanka Ciidankeeda ee halkaas iyo tallaabooyinka qaldan ee ay qaadeen illaa iyo markii ay deegaanka yimideenna wal ma jirto.

 

Waxaanse rumeysanahay in si kasta oo ay Nairobi u doonayso inay faraha ulasoo gasho maamulka Somalia aanay taasi marna imaan doonin.

 

Dalkani waxaa u talinaya dadkiisa, hadii waqtiga la joogo uu saamaxayo Kenya-ne waxaa hubaal ah inuusan waqtigu halkiisa sii joogeyn oo horayna uu iskusoo bad-badali jiray iminkana is badali doono.

 

Kuwa Soomaalida ah ee lagu eedeynayo inay Kenya ku talada iyo tashiga yihiin lana socdana waxaan leeyahay, Dalku waa dalkiina, dadkuna waa dadkiina, Kenyana Dhul Soomaaliyu leedahay hadii uu wanaag u leeyahay iminka inta ay gacanta ku hayso un ha u tashato ee dheeraadka yaanay ku jah-wareerin cidna uma suurta galin kartee, idinkuna haku magac iyo maamuus beelina.

 

Hadii aad kalkaal u noqotaan damac iyo qorshe lagu kala geynayo dalkan Dhulkiisii waynaa horay loo kala qaybsaday ee inta yarka ah loosoo reebay, waxaa xaqiiqo ah inaad go’aankiina maanta dib uga qoomamayn doontaan. Qoomadiinuse waqtigaas waxba idiinma kordhinayso!

 

xusuusnaada in Soomaali kala jaad ahi ay ku wada noolyihiin gobalada aad qorsheyneysaan inaad Kenya u gacan galisaan. Soomaaliduna waad garanaysaan dad ahaan inay yihiin kuwo aan marnaba ogoleyn Gumeysi iyo in Dhulkooda la boobo!

 

Iskusoo wada duube waxaan Umadeyda u rajaynayaa nabad iyo is-raac iyo in ififaalaha iminka dalka ka muuqanayaa uu noqdo mid dhabooba laguna dhargo.

 

Suugaantan hoose ayaan kusoo xirayaa Qoraalkeyga. Waadna mahadsantihiin aqristayaasha sharafta mudanoow:

 

Midnimo kaan dooninoo

Maquuno gumeysi raba

Midkaa Dhulka boobayoo

Maciinsaday Gaaladiyo

Madoobe kuwaa la jiree

Mawaaye Kibaabki raba

Inuu maamulo dhulkaan

Miirkoodii baa tagoo

Maskaxdii beey gabeen

Caqligii baa ka maran

Ee Kismaayo maxaa ka yaal?


- Hadii ay moodayaan

Dadkaanu inay maxmiyad

Ama gumeysi madow rabaan

Mid aan socon doonin bay

Micnaha sheekadu tahaye

Sidaas ha maqleen raggaas!

 

- Kismaayo waxaa milkiyi

Magaaladu ay la jiri

Dadkuna u mashxaradayaan

Muwaadin gumeysi neceb

Midnimo doon lagu yaqaan

Midkaasbaa madasha iman

Maamulka isagaa u hari!

 

- Kismaayadu maaha sahal

Kibaakoow maaha saas

Ha moodin ciyaar ciyaar

Ma taalo daleel cidlaa

Rag bay magantooda tahay

Dadbaa magaceedoo qura

Muqadas ka dhiganayoo

Marnaba aan siisan Maal

Kismaayadu maaha dheel!!

 

 

W/Q: Mohamed Abdullahi Dhaaley  | Qaranimo Online | Mogadishu-Somalia | Mohammed_dhaley@hotmail.com

_______________________________

* Ereyadan waxay ku jireen Hees uu qaaday Fanaankii geeriyooday allaha u naxariistee Xassan Diiriye Faarax. Heestaas Ereyadeeda waxaa curiyay Maxamuud Tukaale Cusmaan.

_____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on November 25, 2012. Filed under Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

12 Responses to KISMAAYO MAXAA KA YAAL? (Qormo)

  1. waxaa ii soo baxday maangaab badan iy naga buuxaan I wonder why somalia treated so badly around the world, waxaa la ogaaday iy yihiin waxuush. war mareexaan waxba ka ogida hadii aad wiil fikirkiisa ka soo horjeesanaysid adiga banaanka is keen,asaga banaankuu is keenaya. waa ku daalnay qabyaalad iyo qurunkeeda this is nothing have to do qabiil, its between somalia kenya. kenya dalkeeda ha ku noqoto dabadhilifka daba socda Allah ha soo hanuuniyo.

  2. @dhagdheer, wallee magacaas ciyaarciyaar inaadan ula bixin.

  3. IGA RALLI AHAADA KHALAD AYAAN U QORAY WARLORD (GOBALE) AYAAN RABAY, INAAN QORO,HALMAAN HADAL KUMA JIRO.

  4. WAR YAA ISLAAN AH, MAXAMED SIYAAD JANNADII ALLAHA GEEYO, WAR SAFARADIHII UU DHISAY MAXAA LOO KIRAYSTAYM WAR MAXAA ASTAAMIHII QARANKA LOOGU CIYAARAY, WAR MAXAA NOO HARAY, ISBAARADII DALKA GUDAHIISA DIBADANA WAA DHIGTEEN, TII CIRKA AYAA U HARTAY, WAR DUULKAAN DOWLADD MA RABAAN. WARKA INTA YAREYSAAN, TOWXIIDKA AAN BADINO, QOFKASTA GOBOLKIISA IYO TUULADIISA HA DHISTO, ANAN IS WADA CAFINO. HAWIYE DAMBE YAAN DAMBIGA KORKA LAGA WADA SAARIN KUWO BADAN OO NAGA QARACAN BADAN AYAA JIRA, OOHADDEY MAANTA MAGACA BEDELI KARAAN ISKA BADALI LAHAA, AWAY DR. HIRAABE MAGACIIN BA.

    XAWAADLE IYO MURURSADOW IYO INTA KALE OO AANAN TIRIN KARINOW XAAL QAATA, MAANTA KA HOROW IDIMA GARAABIN. GODKIINA BIYO IDINKU GALEEN, BA’ AYEYNA WAA DAMBI.

  5. WAXAAN WIIL WAAMO OGEYSIINAYAA, IN DHULKAAGA LOO WADA INDHO CAD YAYAH, INLA RABO SHAATIYO BADAN IN LOO SOO XIRTO, WAFTIGII LOO DIRAY KISMAAYO GOOBALE AYAA HOGGAMINAYAY (THE WORLDLORD) DADKII REER JUBBADA XASUUQAY, BEERAHENNII DAROOGADA KU BEERAY (CANNABIS) ISAGA IYO INAADERKII (CISMAAN CAATO) GEEDIHII DHUXUL KA WADA SHITAY, MARKA SIDII AAD WAXYEELI LAHAYDEEN IDINKAY IDIIN TAAL, HAL WAANO OO IDIIN SOO JEEDINAYO WAXAY TAHAY YAAN LAYDIIN KALA QAYBIN (UNITED). HAL QOLO NOQDO SIDAAD HORE U AHAAN JIRTEEN, HADDII LA WAAYO DAGAAL SOKEYE, WUXUU LEEYAHAY BURBUR IYO BARAKAC BAAHSAN WAANA SOO ARAGNAY, 22 SANNO OO DAMBE MA GAREYNAA ALLAHU YACLAM. WAXAA DALKA CIDLA KA QAADANAYA INTII AWAL GUMEYSI KU HAYSAN JIRTAY IYO INTA KU RIYOONEYSA, WAXAA LAYDIIN SOO AGEEGSAN DOONAA SHARIIF SAKIIN OO KALE XAGUU JIRAY SHALAY MARKII LAGU XASUUQAYAY, GOOBALE OO KALE DHUL MALAHA QOYSKIISA AYUU SAHAN U YAHAY INUU DHUL U HELO, DAROOD HADDII UU CID DHUL U DOONAYO MAREEXAN KA MUDUG IYO GALGADUUD DAGA AYUU ORAN LAHAA NALA MIDOOBA, MARKA WIIL WAAMO HURDADA KA KAC, WIILKA UNIVERSAL TV, KA SHEEGAY IN WIILASHII INDHAHA GUGUDNA WADDANKA NAGA SAARI DOONAN, HA LOO SHHEGO CIIDAMADA RAYSKAMBOONI, INEY U YIMADEEN IN ADIGA OO KALE KAA DIFAACAN, WANAAGA AY SAMEEYANNA LA ARKI DONEE, WAXAAN WIIL WAMO KAGA TAGAY MIDNIMO.

  6. ASCW

    WAXAA LAYAAB IYO FAJAC IGU NOQDAY SHARIF SAKIN YAA MAAMUL GOBOLA 6 AH U SAMAYAYA, NIN AAN WAX ARAG AYAA WUXUU YIRAHDAA WAXBAAN ARKAY. MARKA HORE ADIGA HADDAN AHAY XABBAD AYAAN DHAFOORKA ISKA SAARI LAHAA MABA NOOLADEN ISKA DAA MAAMUL AAN DHISO. QARAN SOOMALIYEEDNA MA DHISMAYO INTA AAD XAMAR JOOGTO, OO AAD HASSAN, SAACID, IYO JAWARI AAD WAR U KALA QAADEYSO, HADDAYSE WARKAAGA DHAGEYSTAAN QARANBA MA MATALI KARAAN, TAN KALE TUUG YAA LAX KA DHAARSANAYA, AYAA MAHMAYIHII SOOMALI, KU MAAHMAHI JIRTAY KU JIRTAY, XOOLIHII QARANKA OO DHAN INTII UGU BADNEYD ADIGAA XADAY, WAXAAD KHAYANTAY SAXIIBKAA KU AAMINAY IILAHAY HA XAFIDO MADAXWEYNE SHARIIF SHEKH AXMED, AAD MARNA KALA SAFATAY MADAXDII PUNTLAND, MARNA AAD ISKA DHINAC SHARAXDAY TAAS HADDAY SOOMALI KUGU AAMINTO DUCUFO IGA DHEH, YAASE KU SIIYAY CILMIGA AAD DOWLADD GOBOLEDDYO KU SAMEYNAYSO, MA SIXIRKII SOOMALI IDINKU XAMAN JIRTAY AYAAD SAMENEYSAA. XAGEE JIRTAY AWAL MARKII REERKA DIGIL IYO MIRIFLE LA XASUUQAYAY, MARKII AY BEERAHODII SHAQALE AY KA NOQDEEN, MARKII CITY OF DEAD LOO BIXIYAY MISE ADIGU ASHARAAF BAA AHAYD OO SHAQO KUMA AADAN LAHAYN OO UMA AADAN JIIR NAXAYNIN, HAKU RIYOON SHABEELADA DHEXE DADKII LAHAA AYAA MAMUL U SAMEYSANAYA, JUBBALLAND, WIIL OGADEN WIIL SADE, WIIL HARTI,WIIL BAJUUN, WIIL SHEEKHAL, WIIL BIYAMAAL, WIIL GIIRGIR,WIIL DAGOODIYE, WIIL TUNNI, WIIL JAREERWEYNE INTA AY NOOLYIHIIN ISMA ORAN MAAMUL BAAD SOO HADA QAADI. VIVO WIIL WAAMO. WAXAAN KUGU TALIN LAHAA DALKANA ISAGA BAX XARIGII EBBANA QABSO.

  7. Kan kismaayo ku waashay. adeer meeshaan waa la kala tagay jubada hoose iyo gedo tagtay, puntland iyo somaliland horey u tashadeen, Digil iyo mirifle ayagay jirtaa say yeelayaan waxaanse kula talin lahaa adeer haddaad chance haysataane isaga taga ciddaan haaweyda ee 20ka sano dhibaatadaad ogtihiin baaxadeeda idiin geystay haddii kale sidii bahalihii unbay weligood idiin cunin. Ninkii hadalkayga been moodayow muqdisho orod oo tag oo indhahaaga kusoo arag say ahaan jirtay iyo sida ay maanta tahay waad qaracmaysaa oo caqliga baniaadanka ayaa diidaya waxa meeshaan laga sameeyey iyo taariikhda meeshan ka dhacdo horey loomana arag loomana maqal ciddii waxaa samaysa baa rabta sidii dadka baniaadanka oo kale inay u hadasho una dhaqanto aniguse koley waan sheegi inya aan noolahay ama i naca ama iska daaya.

  8. Ciddaan hawiyaa la yiraahdaa anigaa ku dhex dhashay wanaag iyo wada noolaasho ayaad daaroodow ka raadinaysaan, Hawiye ayagaba kama dhexaeyso
    dhexdooda haddaad fiiriso dhaqan bay u leeyihiin kan la dhashay wuu la dagaalami hadduu ka adkaado waxba u reebi mayo wuuna dili wuxuu haystana wuu ka qaadi naagta xataa wuu kala wareegi ma cidka le buu axsaan u samayn haduu iska dhacshana wuu ka tegi. ammaan haddaad ka rabto ciddaan waa inaad iska dhicisaa hadduuse kaa adkaado aabahaa was dil dhac kufsi waxba kuula harimaayo si baaniaadanka ka baxsan buu kugula kici weligaana u tug hay. adeer hawiye waa wuxuush baniaadan u eg wuxuushtana ka xun ee wax wanaag ah yaan cidi ka sugin. KKKKKK Waxaan u malayn Ismaaciil Cumar Geellahaan ayaamahan u waashay aqoon la’aan baa ku haysee u fiirsaan ku oran lahaa Irirkaaga maahane mararka qaarkood waxaan ku qoslaa ciidanka uu geeyey Beledweyne waxtar buu isleeyahay laakiin cawaaqibxumada ay u gaysan doonaan ka fikir waa iga digniin ciddaan isku hallays maleh ama u ilduuf ama iska daa.

  9. TO: HASSAN IBRAHIM

    NIN MAHI WAXAAN AHAY BILCAAN, WAXAAD TIRI OGAADEN, MADAXWEYNE ADEN CABDULLE ILLAHAY HA U NAXARISTO AYAA AFMADOW SOO DAJIYAY TARIIKHBA HADDII AAD SIDAAS KA TAHAY MAXAAN KALA HADLAA, WAANA BALLAN INAAN KUU SOO QORO, KAGANA SOO BILAABO MUDDO HADDA LAGA JOOGO DHAWR BOQOL OO SANNO, KISMAIO WAXAA ILAA DOWLADII DHEXE, WIXII KA HORREYAY LAGU XUKUMI JIRAY XAAR HARTI WAA MARAG MA DOONTO, OGADEN HADDUU NATIVE JIRO WAA IYAGA, QAXOOTI CAY MAHA, ADDUNYADA GOLON GOL WEEYO GOD AASAN MALEH, MARBAAD GAAJIYO HORAAD OON LA GOLONGASHAA, MARBAAD GAL XAREEDA GACMAHAAGA KAGA CABTAA, AMUURAHA ILLAHAY LAMA GALO, MAANTA WAA KUWA KISMAIO KAA XORREEYAY ADIGA IYO URUR DIMEEDYADAADA MARBA MAGAC BEENA OO DIIMED KU QARABTA,

    XARAAN KU NAAX, ISBAARA XORTE, GABDHAHA XUMEYE, XINIINYO HADDAD LEEDIHIIN, JUBBOYINKA XAGEEDA AADA. SOOMALIYEY AWALBAA BAA TOGANE SIDUU SHEEGAY MAJEERTEN NACAYBKIISA LAYDIN BARAY, MIDKA DAROOD YAA LAYDIN BARIN, XUKUMADIHII IDIIN SOO MAREY, TII SAYID CABDUULE HASSAN, TII ABDIRASHIID CALI SHARMAKE, TII MAXAMED SIYAAD, INTAABA WAAD SOO ARAGTEEN, WAXAAD KALE IDIN SOO MARAY, TII CAYDIID, CALI MAHDI, CABDI QASIN, XAQA IYO BADILKA KALA SAARA WAXAAN MARKHAATI KA NAHAY HALYEYGII CABDULLAHI CIISE, IYO MUMINKII ADEN CABDULLE CISMAAN KUWO LA MID AH INEYSAN IDINKU HARIN SIDA AAN SISIFALIHINNA KA ARKAYO.

  10. kismaayo jubooyinka iyo gedo dadkii lahaa way tashadeene dhaleeyoow nin raga inta iska dhigtid waxaa uurka kaaga jira sheego haku gaban somalinomo iyo xornimo. waxaad dhahdaa darood ayaan necbaha. waxaase iga yaabisay neceybka xagee kasocdaa ayaamahaan ka qeylisiinaya dadka muqdisho ku habsaday? ayagaaba wax xasuuqaye?

  11. xiligii dowladii kacaanka ee swiyaad barre hogaamion jirtay ayaa waxaa uu majeerteenkii xukun doonka ahaa ee injireydii itoobiya dabada la galay ee ka soo duuli jiray ugu heesi jiray INKASTOO LOO BAAQOO OO LOO SHEEGO BRAWAAQO DAD BEEY MEELI BUGTAA.hadaan ku hormaro jawaabta aan tabo inaan siiyo kan dhagdheer magaciisa ka dhigtay soomaali waa dowlad jirta oo xor ah ineey gumeysi dib ugu noqoto oo dowlad kale ay inta ku soo duusho gumeysi galisa waa midaan dhacey oo taas jawaabteeda itoobiyaa la weydiinayaa,tan kale ugaandha,burundi iyo jabuuti kaalinkoodi waa dowlad caawin iyo shabaab la diriris ee dhisme maamul iyo faragalin siyaasadeed ma laha magaca ay ku joogaana waa amisom,waxaa kuu soo haray itoobiya,iyadu way diiday ineey magaca aimisom qadato oo ay dhaqaalo ku hesho,waxayse badalkeeda tiri waxaan caawinayaa xukuumada soomaaliya oo u taag weyday wax ka qabashada dhibaatada shabaab waxayna si cad u tiri mar alle iyo iyo markii la iga maarmana waan ka baxaa soomaalya daliisheedana waa taas maantaba beledweyne ku wareejisay ciidankii jibuuti,mana sameyso faragalin siyaasadeed iyo taagaarid fakshin beeleed maamulna ma sameyn.
    hadaba dhag dheeroow bal adigu is weydii kenya sharciyda ay ku joogto soomaalya iyo waxa ay rabto,ma iyadoo amisom ah oo dadka soomaaliyeed caawineysa,sida ugaandha,burundi iyo jibuuti,ma iyadoo kenya ah oo caawineysa dowlada federaalka ah ee madaxweyne xassan sheekh uu hogaamiyo,mise waa iyadoo kenya ah oo dano gaar ah ka leh meesha oo wadata kuwo soomaali kula sheegta balse dan mooday ineey inta gumeysi dhabarka soo saartaan leh wax naga dhig.
    sxb ogaadeen waxaa u taal howl ka weyn kana muhiimad badan mida uu hada ku jiro oo ah inuu xoreeyo jig jiga iyo dhagaxbuur iyo meelaha ay dagaan oo kale sida gaarisa ee uma baahna inuu dhul xor ah gumeysi galiyo,horaa loo yiri nin abeeso koriyoow adigaa u aayi,taasoo aan ula jeedo mas’uulkii ugu horeeyay ee dajiyay afmadoow iyagoo qaxooti ah wuxuu ahaa allaha u naxariistee aaden cabdulle cismaan aadan cadde si buu yiri ay u helaan meel ay salka dhigaa jamhuuriyadaan xorta ah si ay dhulalka ka maqan u raadsadaan sanadkaasoo ahaa 65tii,marka maanta abaalkii uu dalkaan u galay waxay ka dhigeen ineey adoomeey dhabarka soo saartaan oo ay u gacan galiyaan gobolkii ugu hodan sanaa soomaaliya ee jubada hoose,hadaba awalba ogaadeen kurdi ayuu ahaa oo in gumeysi dusha ka saaran yahay maahane ma yaqaan inuu xornimo ku noolaado,markaasuu majeerteena suntii gaarsiiyay oo uu cabdulaahi yuusuf ugu dambeyn xaruntii soomaaliya ee muqdisho soo istaajiyay taangi xabashi markuu wax kale waayay wixii asaga iyo kuwuu keenay ee injireeydi ahaa u dambeeyayna waa taas oo qof kastoo soomaali ihi ujeedo.
    isku soo wada duuboo dhagdheeroow dhuxusha karooran xeebta kismaayo ila buurgaabo ma habargidirbaa karoortay oo dhulka xaalufisay oo laga hor taagan yahay ineey dhoofiso mise ogaadeen iyo axmed dhagax buur ninkaan la yiraa ee axmed madoobe la baxay.hadii ogaadeen raad ku leeyahay gobolkaan sidaan uma xaalufiyeen dhulkii hodonka ahaa ee markaad maalin dhex mareyso aad is leedahay waa habeen.
    mana lagaa yeelaayo inaad hirgaliso fekerka mwai kibaki ee ah shidaalka baaro ogaadeena ka soo daabul kililka shanaad ooka dhaadhici ineey dhulkaan qaataan oo ay iska dhaafaan kaas qaxarka badan taasoo daliisheeda ay tahay in hogaanka cusub ee itoobiya uu hada mowduucaas inuu ka hor tago u yimid neyroobi si ONLFtaan meesha lagu beeraayo uu uga hor tago.waayo kuwa dagan NFD ee ogaadeenka ah waa lo’leey masaakiin ah oo habeen iyo maalin jareer ayaa naagahooda xoogta oo iskama difaaci karaan saas darteed waqti iyo xoog toona uma hayaan ineey dhul kale gueysi galiyaa toodaaba heysata balse kuwa raba ineey dal gumeysi galiyaan waa kuwaan galbeedka.
    saaxiib waxyaabahaas oo dhan lagaama yeelaayo oo dad soomaaliyeed oo soo jeeda ayaa dhulka iska leh ee qorshagaas xaaraanta ah wuu fashlee meel kale la raadi gumeysiga aad dhabarka ku wadato.

  12. ASCW

    SALAAN KADDIB, WAAD KU MAHADSAN TAHAY QORMADAADA WAA HADDII AY RUN KAA TAHAY OO WAXA AFKAAGA KU JIRA IYO URKAAGA ISKU MID YIHIIN, GUMEYSIGA AAD KA HADASHAY AYAAN RABAA INAAN KUU SHEEGO MIDKA XAMAR, BELEDWEYNE, BAY IYO BAKOOL, IYO SOOMALIYA INTEEDA KALE KA DAGAALAMAYA INUUSAN KA DUWANEYN KAN JUBBOYINKA KA DAGAALAMAYA, ARRINTAAS WAXAY LA MID TAHAHAY XILLIGII MADAWEYNE ABDULLAHI YUSUF UU MADAXWEYNAHA AHAA RABBIGAY HAU NAXARISTO, ETHOPIAN HANAGA BAXEEN HADDANA AY JOGAAN.

    WAXAAD SHEEGTAY JUBBOYINKA INEY DAGAAN DAD FARA BADAN OO KALA DUWAN
    WAA RUNTAA, MARKA SIDEE DADKA U KALA DAGAAN, SIDEESA U KALA BADAN YIHIIN, XAGEESE KALA DAGAAN TAAS ADAN KUU DAAYAY. DADKA DAGA JUBBOYINKA MAHA DAD DAGAALAMA DHIBAATO JECEL, XADGUDUB YAQAAN, EE GALTIDII KOR KA TIMID WIXII DAGALKII SOKEEYA MARKA LAGA SOO BILAABO AYAA KU KOR DAGALANTAY, WAANA DAD COLAADO, GAAJO, 22 SANNO HAYEEN OO ILLAHAY U BAAHAN IYO MAR UUN INEY XAQOODA HELAAN.

    MIDDA DHUXUSHA EE AAD KA SHARQAMISAY, MA WAXAAD RABTAY DHUXUSHA HABARGIDIR SHIDAY OO AY DHULKII KU NABAAD GURISAY INEY GACANTOODA SOO GASHO, TAASI WAA RIYO, MISE WAXA XANUUN IYO BAQDIN IDIIN KORDHISAY JENERALADA OGADEEN? IYO ISRAACA DAROOD, DADKA LA DAGA OO WALALAHOO AHNA WAXAY U OGOL YIHIIN MASIIRKA UGU SARREYA INEY XUKUNKA JUBBALAND STATE KA QABTAAN. HADALKII WAXAAN KU SOO KOOBAY MADAXWEYNE HASSAN MAREYKAN AYAA KEENAY, MADAXWEYNA JUBBALAND WAXAA KEENAYA KENYA, XAMAR NABADEYA, DHULBANTE IYO MURURSADE XAQOODA SIIYA, SOOMALILAND IYO KHATUMO GOGOL U FIDIYA, HORUMARKA PUNTLAND IYO SOOMALILAND KU TAGEERA, GALMUDUG, XIBIN IYO XEEB TAAKULEYA, BAY IYO BAKOOL OO AH XUDDUNTII NABADDA AHAYDNA GOBOLKII UGU HORREYAY OO FEDERAL INEY SAMEYSATO RABTAY KU SUPPORT GAREEYA, XAQII QOF KASTA OO SOOMALIYA KA MAQAN U SOO CELIYA, CAFISNA WEYDIISTAY, DEEDNA SOOMALI WAA WIIL IYO ABTI, XIDID IYO XIGAALO IYAGA OO XERYO SUBAG AG, IYO HABLO TIMO DIDCAN XAAL ISKU SIINAYA AYAY ISU SOO NOQON, HADDII LA WAAYO WALLE WAA SIDII LOO KALA TAGAY.