Maxaad ka Taqaan Xidigihii soo maray Barisamadkii WKK LLPP

Xubinteena Isboortiga e Maanta waxaan ku Faaqideynaa Xidigihii soo Maray Wiilashii Kubada Koleyga LLPP jenyo oo ka mid ahaa Wiilashii ugu Caansanaa dhinaca Kubada Koleyga waxana Kooxdaan habeenka ay ciyaareyso ay markaasi laf dhuun gashay ku noqon jirtay Kooxda ka soo Horjeeda iyadoo mar loogu yeeray 5ta Jenyo.

Habeenka Jenyo ay ka hortageyso naadiyadiia dkaa sida Wiilashii Horseed,Badda,MBC,Muqdisho,Batroolka,Waxool.Somalita,Sancada kulanmooda siw eyn ayey taageerayaashu u soo Camiri Jireen iyagoo waliba aad uga heli jiray qaab ciyaareedka Kooxda Wiilasha kubada Koleyga LLPP soo bandhigi jireen.

Sanadihii 80meeyadiiw axa aad loola fajacay hab ciyaareedka ay Garoonka ka muujin jireen xidigihii uuw atay Macalin Cabdi dheere oo naadigaasi xidigihii soo Maray ka mid ahaa waxana Xasuustaa kubadii ay la so shirtagi jireen Wiilashii Kubada Koleyga LLPP gaar ahaan waxa ala tilmaami karaa 3 halyeey ee ugu cad cadaa Kooxdaasi.

Cabdalla Dheere

Cumar Cabdulqaadir Baarajab iyo

14 Cabdi Maxamed Guuleed ’Cabdi Xalwo’

Cabduladir Madaxeey Mahadi haka gaadhee Cabdi Dheere oo ahaa Xidigihii dhinaca Kubada Koleyga lagu Bilaabay Kooxdaasi aaya sanootinkii u dambeeyay intii aysan dhicin Dowladii Milatariga waxa uu isku badalay Tababaraha Wiilasha Kubada Koleyga naadigii wasaarada Howlaha Guud ee LLPP.

Hadaba Xidigihii soo Maray dhinaca Kubada Koleyga ee wiilasha Kooxdii LLPP jenyo oo u Gudoomiyaha u ahaa AUN Marxuum Nuur Xuseen Cabdi’Nuur Jenyo’ waxa ay kala ahaayeen xidigahaasi oo kala xili Horeeyay.

Saciid Qoorsheel
Saciid Gees
Axmed Xaaji Nuur

faarax Oday
Cabdi dheere
Baarajab
Cabdala dheere
Cabdi Xalwo

Madaxeey

Bivot
Xaaji
Travolte

Daley
Axmed Bile
Cabdiqani jeenyo

Cumar Kaaraan

Cabdinaasir Caano

Ciyaaryahan Cabdulqaadir Maxamed Ciise oo loo yaqaan Cabdulqaadir Madaxeey waxa uu ka mid ahaa lafdhabaradii ay ku soo duulaan tagi jirtay LLPP dhinaca Wiilasha Kubada Koleyag waxa uuna ahaa Laacib farsamadiisa kubadeed aad u heer sareysay isla markaana ka mid aha halbowlayaasha sida weyn kooxdu ugu tiirsaneyd habeenka kulmada adagi sugeyso.

Tagaerayaasha wiilasha kubada Koleyga LLPP jenyo waxa ay ku qeylin jireen Madaxeey halyeey halbowle u ah Kooxda Caawana aan uga fadhino inuu guusha naga saacido,sidoo kale Cabdulqaadir Madaxeey waxa uu ka mid aha xidigaha kooxda caawin jiray marka ay xaaladu kua dag atahy,dada badan baa xasuusanaya doorkii kubada koleyga uu kaga jiray ciyaaryahan Cabdulqaadir Maxamed Ciise;Madaxeey;Madaalihii wiilasha kubada Koleyga LLPP.
Cabdulqaadir Madaxeey markii dalku galay xalaada Burburka waxa uu door weyn ka qaatay sidii dib borka looga jafi lahaa isboortiga isaga iyos aaxibadiisna waxa ay wadamada yuirub ka bilaabeen abaabulo lagu dhiirigalinayo Ciyaaraha.

Cabdi maxamed xasan oo aan hargeysa kula kulmay mudo 29 sano ahna joogay hargyesa balse xiligii hore degaana aMuqdisho kana mid ahaa Tageerayaasha naadiga jenyo e wiilasha kubada koleyag aaya sheegay in Kooxdaan marka ay ciyaareyso aad loo soo camiri jiray garoonka Istaadiyo muqdisho iyo kan Luujino waxa uuna xusay in xidigaha kooxda ooa aha kuwa aan kala dhicin hadana kuwa ugu qatarsana aay ka mid ahaayeen Sanadihii 80meeyadii cabdalla dheere,cabdi xalwo,baarajab,cabdulqaadir Madaxeey,xaaji daley iyo kuwa kale.
‘walaahi waxaan Xasuustaa halyeeyadaasi aan soo sheegay habeenka ay u ciyaarayaan Kooxda Kubada koleyga LLPP’ habenkaasi Tagaeerayasha niyadooda Kor bay aheyd waxaana isku heysan jirnay inaan badinay’ayuu yiri Cabdi Maxamed xasan oo aan hargeysa kula kulanay.

.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

__________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.