Ciidamada Jabuuti oo la dhameystirayo dhawaan

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in dabayaaqada todobaadkan la soo dhameystiri doono tirada Ciidammada ka socda dalkaasi ee ka howlgalaya gobolka Hiiraan,  ayadoo dhanka kalena ay Dowladda Jabuuti Ballan qaadday iney sii socon doonaan tababarrada la siinayo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Dayib Dubbad Rooble oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Dowladda Jabuuti ay xalka Soomaaliya u aragto dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si amniga loo xaqiijiyana ay Jamhuuriyadda Jabuuti sii wadi doonto tababarrada ay gobolka Hiiraan ku siinayso Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

‘’muhiimadeenu waa in laga shaqeeyo Amniga isla markaana dib loo dhiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,  si ay ugu filnaadaan ammaanka guud ee dalka, Jabuutina gacan ayeey ka qaadaneysa tababarrada ciidamada’’ ayuu yiri Danjiraha Jabuuti ee Sooamaaliya.

Danjiraha ayaa intaa ku daray in isniinta ama talaadada soo socota ay soo dhameystirmidoonaan tirada ka dhiman ciidamada Jabuuti ugu talagashay Soomaliya kuwaas oo gaaraya Sideed ilaa Sagaal Boqol, markaana ay si buuxda uga howlgelidoonaan gobolka Hiiraan.

Shalay ayeey aheyd markii wafdi ka socda dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka gaashaandhigga uu soo gaaray magaalada Beledweyne oo ay ka howlgalaan ciidamada ka socda walaalaha jabuuti.

.

_________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.