Faroole “Lacag 5-milyan ayaan u heynaa goroonka Boosaaso”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed “”Farole” ayaa ku dhaliilay Ganacsatadda ku dhaqan gobolka Bari ineysan diyaar u ahayn in ay ka qeybqaataan dhameystirka Garoonka diyaaradaha,Dekedda Boosaaso iyo mashaariicaha kale.

Madaxweyne Cabdirixmaan ayaa sheegay indhisamaha Garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso ay u hayaan lacag dhan 5-milyan oo doolar oo lagu dhameystirayo Garoonka,wuxuuna ka Codsaday iney Ganacsataduna dhankooda ku daraan dhaqaale.

“””Waxaan idin sheegayaa inaanu u heyno lacag dhan 5-milyan oo doolar oo waxyar ka dhimantahay ,wax yar baa ka dhimane maku daraysaan,dib baana isugu noqoneynaa wax kalena waan keeni karnaa,..””ayuu yiri.

Halkan ka Dhagayso Codka Madaxweynaha Puntland uu kaga Hadlaayo Mashaariicda Garoonka Diyaaradaha Guji Halkan

Wuxuu xusay in dhismaha Garoonka ay bilowday Xukuumaddii isaga ka horreysay balse ay ugu yimaadeen dhisme qabyo ka dibna ay Xukuumadda uu Hoggaamiyo ay ku sameysay dhameystir lacag gaareysay 900 -kun oo doolarka Maraykanka.

…””Wasiirka Maaliyadda haddaan weydiiyo lacag badan buu idin sheegayaa laakiin ma rumeysaneysaan “”Imisaa lagu dhisay Faarax ”Imisaan ku darnay afkaaga halaga maqlee ::900-kun oo doolar baan ku dhameystirnay inta dhismayaasha ee dheeraadka ah anagaa ku darnay,…”“ayuu yiri.

Waxa uu Madaxweynuhu ku dhaliilay Ganacsatadda Puntland gaar ahaana kuwa gobolka Bari iney keeni waayeen qalabka dhismayaasha Wadooyinka iyo Garoomadda diyaaradaha isagoona sheegay in haddii ay keeni lahaayeen dawladu ka kireysan lahayd balse taas aysan kasoo bixin.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in Garoomadda Diyaaradaha ee Puntland qorshe lagu dhisi lahaa ayna Ogolaatay dawladda Kuweyt laga horjoogsaday balse dhawaan ay ballan qaadayaan iney soo faxaan Mashruucaas.

…”“Kuweyt oo File-kii Airporada Puntland lagu dhisi lahaa Amiirkuna Ogolaaday balse nin hadda Xafiiska ka tagey oon sheegeyn magaciisa uu yiri i haya,laba meelood baa la weydiiyey meelna wuxuu yiri wada meelna wuxuu yiri haya,haya Puntland baa noqotay….”“”ayuu yiri Farole.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in deegaanadda Puntland gaar ahaana Garoomadeeda Diyaaradaha ay ka shaqeyn doonto soona caga dhigan doonto Diyaarada Itoobiyaan Airlines sida ay Dawladda Itoobiya uga ballan qaaday.

Dhismaha Dekedda Boosaaso.

Madaxweynaha oo dood kulul uga timid dhismaha Dekedda weyn ee Boosaaso ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysteen in lacag Afar milyan iyo bar oo laga soo qaaday wadamada deeq bixiyaasha laguna Xafaareeyo lana gaarsiiyey meeshii ay joogtay markii la dhisaayey.

…””” Waxaan ku guuleysanay inaan lacag Afar milyan ah aan deeq bixiyaasha uga helno mashruucas la keeno la Xafaareeyo lana gaarsiiyo waagii la dhisay la doqdo in leeg oo maanta Maraakiib waa weyn kusoo xiran karto…”””ayuu yiri.

Ganacsatadda Puntland ayey ku dhaliishaa Dawladdu ineysan marnaba ka qeybqaadan Horumarka deegaanadda Puntland iyadoona ay iska faogeeyaan Ganacsatadu dhaliilaha Faroole kuna tilmaama in iyagu yihiin kuwa wax qabta.

.

______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.