HORUDHAC
:- Alle ayaa mahad leh, Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate Nabigeenii suubanaa Muxamed (SCW).
Dhamaan umad Soomaaliyeed ee walaalahaay ah waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka Assalamualaikum Wr Wb. Wayahaanba qoraalo ma soo daabicin mana waayin wax aan qoro ee wakhtigaa ii saamixi waayey. Ma jeceyli in aan ku mashquulo shaqsi iyo kooxo midna balse waxaan jeceylahay in aan Xukuumadda Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed usoo bandhigo mar kasta xaqiiqda ugana digo wax kasta oo Sharaftooda iyo Jiritaankooda wax u dhimaaya
QORAALKA BILOWGIISA:- Waxaa miiska ii saran ama aan maanta Qoraalkeyga kusoo qaadanaaya Howlaha Khuseeya Safaaradaha Soomaalida ee Caalamka iyo sida ay u dhiganaayan Isbaarooyinka daah-soon ama Qarsoon waxa uuna Cinwaanka noqon doono ‘’Mudane
Madaxweyne Isbaarooyinka Muqdisho yaal waxaa iiga xanuun badan kuwa Safaaradahada Soomaalida yaala ‘’ taasoo aan ula jeedo dhibaatooyinka ay Safaaradaha Soomaalida ku hayan Muwaadiniinta loo dhisay in safaaradahaasi ay u adeegan waxaana kamid ah Sudan, Masar, Russia, Libiya, Kuwait, Syria, Talyaaniga, waxaana ku lamaan tiro safaaraddo oo iyaguna Isbaarooyin u dhigta Muwaadiniinta ay u adeegi lahaayen Hayeeshe nasiib daro Xukuumadaha dalka soo maray waxa ay xilalkaasi Qaaliga ah u dhiiben Masuuliyiin aan aqoon u lahayn
Inta badan Safaaradaha Somalia ee caalamka ku yaala waxa ay diirada saran kala iibsiga ‘’Min-xooyinka’’ Fiisooyinka’’ IWM, xukuumada
markaasi jirtayna iskama xilsaarin inay ilaaliso sharafta iyo maamuuska Dowladnimo iskaba daaye inay Bulshada u adeegan ee waxa ay furtaan Ardayda iyo soomaalida kale ee safaaradda uga baahan Warqadaha taasina dhaliisheeda waxa ay usoo laabadaneysaa Xukuumadda Somalia
Xafiiska Raisul wasaaraha iyo wasaaradda arimaha dibadda Somalia iskama aysan xilsaarin Uruurinta Afkaarta Soomaalida kunool Caalamka iyo aragtidooda ku aadan shaqada Safaaradda si loo helo Xog rasmi ah Balse Nasiib daro inta badan Dowladihii soo maray Somalia mahayn kuwa kawar-qabay Tirada Safaaradaha oo ay Somalia caalamka ku leedahay
Xukuumadda Cusub ee uu iminka Hoggaanka u haayo Madaxweyne Xassan Sheikh malaha dhaliil iyo amaan toona maadama iminka dhidibada dhulka loogu aasay balse waxan Rajeynaaya inay il gaar ah ku eegto Maamul xumida iyo Isbaarooyinka ay dhigteen Safaaradaha Soomaalida ee iminka aan kusoo xusay Qoraalka kore iyo waliba Tiro safaarado ah oo iyaguna aan qoraal gaar ah kusoo qaadan doono
SIDEE LOOGA GUDBI KARAA ISBAAROOYINKAASI:-
Waxaa looga gudbi karaa Isbaarooyinka dhex yaala Gudaha Safaaradaha Soomaalida ee Caalamka in Xukuumadda Cusub ee uu iminka Madaxweyne ka yahay Xassan Sheikh ay diirada saarto in Safaaradaha loo magacaabo Aqoonyahaano gaar siisan illa heer Jaamacadeed si looga talaabsado waxa loogu yeeray Musuq-maasuqa islamarkaana laga gudbo in Safaradaha lagu dhiso qaab Qabiil la qarameeyay
Gabagabadii iyo Gunaanadkii waxan Xukuumadda Somalia gaar ahaan Raisul wasaaraha iyo wasiirka wasaaradda arimaha Dibadda inay wax ka qabtaan Isbaarooyinka ay Safaaradaha Soomaalida Caalamka u dhiganayan Ardayda iyo Muwaadiniinta u dhibaateysan warqadaha ay uga
baahan yihiin Safaaradda waxaana iga Ogeysiis ah in Safaaradaha aysan lacag ka qaadin dadka qaraabada la ah Safiirka halka dadka kale laga qaado Qarash aad u badan taasina waxa ay dhaliisheeda usoo laaban doonta Xukuumadda Somalia
W/Q. Wariye: Anwar Bakhiit
________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
WAXAAD KA TAGTAY TII NAIROBI, IYO FADEEXADII NUUR CADDE UU HOYGII SAFARRADDA XATAA UU KIRAYAY, HAWSHA SOO DHAMMEYSTIR XATAA SAFARADO REER PUNTLAND, SAFIIRO KA YIHIIN HADDII AAD WAXAAS OO KALE AAD KU HAYSO UGU SOO HORMARI, WAAYO WAXAA DIB NOO DHIGAY SIDAN DAYUUS NALA QABIIL AH AAN U QARINEYNAY, NOLOW ADIGA IYO SOOMALI INTA SAMAHA JECEL.