Ka dib markii Maalinimadii Shalay aheyd la qadey isbaarada Ex-kontorool Afgooye oo aheyd isbaaradii ugu weyneyd ee taalay magaalada muqdisho ayaa qaaditaanka isbaaradaasi waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah darawalada ka dhex shaqeeya inta u dhaxeesa magaalada muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose .
Qaar ka mid ah darawaladaasi oo la Hadley warbaahinta ayaa waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen qaaditaanka isbaarada Ex-kontorool afgooye oo ay sheegeen in lacago fara badan looga qaadi jirey gaadiidka BL-ka ah ee iskala goosha Muqdisho iyo Gobolka Sh.Hoose .
Darawaladaasi ayaa sheegaya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhimiyaan qiimaha lagu raaco gaadiidka BL-ka ah ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo degaanada kale ee Gobolka Sh.Hoose.
Maalinimadii shalay ayey aheyd markii la qaadey isbaaradii ugu weyneyd ee taalay isgooska Ex-Kontorool afgooye oo lacago fara badan looga qaadi jirey Gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo gobolkada koonfureyd ee dalka .
.
_____________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize