Gen. Cali Gaab taliyaha ciidanka taraafikada oo ladhaawacay

Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab)

Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafiko Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan dhaawiciisa.

Jen. Cali Gaab ayaa barqanimadii maanta ku dhaawacmay agagaarka Xaafada 21-October ee degmada Waabari, markii askari ka tirsan dowladda ay qori isula qabsadeen.

Dhaawaca Taliyaha ayaa la geeyay Isbitaalka Daaru-Shifa, iyadoo dhaawiciisa uu yahay mid fudud sida ay sheegeen saraakiisha Isbitaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga dhaawacay Taliyaha uu ka mid ahaa ilaaladiisa, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa askari kale oo ay murmeen.

Jen. Cali Gaab ayaa ka mid ah saraakiisha dowladda ee ugu fir fircoon, iyadoo lagu yaqaano xilliyada wadooyinka ay ciriiri noqdaan inuu gaarigiisa ka dego, deetana uu kala hago gawaarida si aanay wadada u sii xayirin.

Wadooyinka Muqdisho ayaa ah kuwo ciriiri ah, iyadoo ay bur bur ka muuqdaan, waxaana xilliyada qaar ka dhaca shilal gaar iyo gawaari xamuul sida oo ku gadoonta.

.

_______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.