Maamulka Shabeelada oo hanjabaad u diray..

Iyadoo deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose ciidamo ka tirsan Shabaab ay wadada ugalayeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose wuxuu ku hanjabay inay Gobalkaasi Shabaab ka saari doonaan Haraadiga Shabaab.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay warbaahinta Magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay ka saarayaan Shabaab Gobalkaasi qeybaha ay kaga sugan yihiin.

Wuxuu sheegay in dhawaan Shabaab ay ka sifeyn doonaan Gobalka,balse iminka laguda jiro xilli roobaadka oo la sugayo inta dhulka uu ka qalalayo. Sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha

“Iskoobe ayaan wadanaa Shabaabna waan xaaqayna qorshaha socda ayaa wuxuu yahay sidaasi dhawaana waad arki doontaan”Sidaasi waxaa yiri C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose waxaa shalay Shabaab ay wadada ugu galeen wafdi wasiiro ah oo uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka iyo wasiirka Gaashaandhiga iyadoo sidoo kale ciidamada Dowladda Soomaaliya halkaasi uu kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa dhowr mar fuliyay weerarada caynkaas oo kale ah kuwaasi oo ay ku bartilmaameedsanayaan masuuliyiinta Dowladda ee Gobalkaasi booqanaysa.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.