Musharax Dr Idiris Xaaji Nuur Sarmaan (315 Kulmiye ) Rajadeyda 99 % aad bay u wanaagsan tahay inaan ku soo baxo Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa………

Musharaxa Dr. Idiris Xaaji Nuur Sarmaan oo ah Dhaqtarka ugu Caansan Cudurada Caruurta Soomaaliland kana mida Musharxiinta Xisbiga Kulmiye u loolamaya Golaha Deegaanka Caasiamda Hargeysa astaantiisuna tahay ( 315 Kulmiye ) ayaa Daboolka ka qaaday inuu 99% ku rajo weyn yahay inuu ku soo baxo Doorashada Golaha Deegaanka Soomaaliland ee Caasimada Hargeysa,waxa uuna xusay Dr Idiris Xaaji Nuur oo ka mida Musharixiinta ugu Miisaanka Culus Xisbiga Kulmiye Golaha Deegaanka Caasiamda Hargeysa in Rajadiisu cirka mareyso isagoo u mahadceliayay Xisbiga Kulmiye ee uu u Tartamayaya Golihiisa Deegaanka Caasiamda Hargeysa iyo dhamaan intii u codeysay ee Taageerayaashiisa aheyd isla markaana Door weyn ka qaatay Dibadbaxyadii Ollaha kulmiye ee lagu tagaeerayay Musharaxnimadiisa.

‘Hadii Alle igu guuleeyo inaan ku soo baxo Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa wax weyn baan ka qaban doonaa Magaalo Madaxda Soomaliland ee Hargeysa iyo Gabi ahaanba Dalak oo dhan’ ayuu yiri Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee 315 Dr Idiris Xaaji Nuur oo Intaasi Raaciyay inuu danta guud wax aksta ka hormarin doono isla markaana Wanaagii looga bartay mid ka sii badan uu abuuri doono.

Dr Idiris Xaaji Nuur Sarmaan oo ah Dhaqtar ku caan baxay daweynta Cudurada Caruurta waxa uu ku dhashay Hargeysa 1962kii waana markii ugu Horeysay ee uu isku soo taago Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

.

_______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.