Telefeshinka Qaranka oo heer kii ugu hooseyay maraya sababa la xiriira …

Telefishinka Qaranka Somaliyeed (SNTV ) ayaa adeega shacabka Somaliyeed ay u hayeen geesmaray sababa la xiriirta aqoon dari soo foodsaartay awgeed, Waxa ayna aad uga gaabiyeen inay shacabka usoo tabiyaan wararka shacabka quseeya.

Maalintii lasoo dhaafay aye ahayd maalin Murugo leh oo soo foodsaartay Somaalida Islii, Nairobi ee degan. Waxaa dhacaya rabsahdo lagu kufsaday gabdho dugsi quraan kasoo socda, lagu dilay hooyo 70 sano kaweyn laguna waxyeeleyay shacab badan Somaliyeed.

Wararka SNTV oo dhikaas soomalida gaaray aad uga gaabsaday, ayaa muhimad xoogan warar aan macno badan wakhtigaas shacabka u laheen. Waxay warka xoogiisa uga warameen Ambasador Cali Americo iyo wasiirada cusub oo xilalkooda lawareegaya.

Waxay soo saareen Ambasador Maxamed Cali Americo, oo jaakad qaali ah, quruxna badan qaba, oo hortaagan xarunta Boliska Pangaani ee xafada Islii Nairobi Kenya.

Iyaga oona kusoo Cel-celinaaya borobagaandaas ku saabsan Ambassador Maxamed Cali Americo iyo siduu wax uga qabtay dhibaatadii ku dhacday Somalida . Waxay kaloo soo saareen xilal lagu wareejinayo dawlada cusub ee dhawaan uu magacaabay Raisul wsaaraha Somalia .

Telefeshinada kale ee Kenya oo soo saaray Somali ladilayo, kuwa cisbitaal jiifa. Rabsahahaas oo ahaa mid ay idaacadaha Kenya ku mashquuleen. Waxay dowlada Kenya ku eedeyeen in Somalida dhib badan loo gaystay waxna laga qaban. Waxay si toos ah shacabka ula socodsiinayeen dhibaatada ka jirta Islii.

Talafishinka Qaranka ayaa ah mid aad fadhiid u ah, noqdayna kuwa ushaqeeya Xafiiska Madaxweynaha iyo shakhsiyaadkii raba inay u isticmaalaan inay iyaga iska xayaysiiyaan, shacabka Somaliyeedna Borobogaando ugu gudbiyaan.

,

W/Q. Aragsan Dahir Ali

_______________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.