Wafdigii shalay booqday Marko maxaa soo gaaray?

Wefdi heer sare ah oo ka socdey Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalintii shalay gaarey degaamo hoostaga gobolka Shabeelada Hoose, wefdigan oo ka koobnaa saddex wasiir iyo taliyaasha ciidanka xooga dalka iyo booliska ayaa maanta lagu weerary meel isla shalay maalintii Malayshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay u galeen.

Weerarka maanta ayaa ka duwanaa kii shalay waxaana loo dhigey miinada dhulka taas oo la kacdey gaari ay saarnaayeen ciidamo Boolis ah isla amrkaana ilaalo u ahaa taliyaha booliska Soomaaliya.

Sida warbaahinta ogaatey waxaa ku dhaawacmey 4 askeri halka mid kalena waa ku dhintey, kadib qaraxa gaarigu markii uu dhacay ayaa waxaa bilowdey rasaas too sh, waxaana ciidamadii wefdiga ilaalinayey ay isticmaaleen hub xoogan oo ay ku garaaceen goobta loo galay, oo ahayd meel biyo iyo dhirtu is qabsatey ayna adagtahay in la is arko.

Kooxdii ka socotey al-shabaab ayaa meeshaas isaga baxay, waxaana u suurta gashey wefdigu in safarkoodi ay sii wataan markii ay soo gaareen garoonka 50km ayaa waxaa la ba kamid ah dhaawacii Booliska qaadey diyaarad Qaramada Midoobey iska lahayd taas oo ahayd Helicopter.

Wefdign oo ka koobnaa wasiirka gaashaandhiga, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, wasiirka garsoorka, taliyaha ciidanka xooga dalka, taliyaha Booliska ayaa si nabad ah ku soo galay magaalada Muqdisho.

Maalintii shalay ayey ahayd markii wefdigan loo galey duleedka magaalada Shalanbood iyaga oo ku sii jeeda magaalada marka, inkasta oo weerarkaas wax khasaaro ah ka soo gaarin.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.