Amisom oo wado qorsho lagu adkeynayo amaanka Somalia

Ciidamada midawga afrika ee Somalia hawgalka kwada ayaa wacad ku maray in ay qaadi doonan qorshayaal lagu xoojinaayo amaanka konfurta wadanka Somalia gaar ahaan wadada weyn ee isku xirta magaalada muqdisho iyo konfurta wadanka kadib markii ay halkasi ay ka dhaceen isku day lagu doonayay  in lagu qaarijiyo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Karim Xuseen Guuleed.

Taliyaha ciidamaada AMISOM  ee Somalia janaraal adruru Guti ayaa war uu kasoo saaray magalada Adis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ku shegay in ciidamadooda ay fashiliyeen weerar lagu qaaday gaari uu la socday wasiirka arimaha gudaha Somalia oo marayay konfurta wadanka.

Guuti ayaa yiri”weerarada noocani oo kale ah waxa ay naxusuusinayaan sida aysan u haboonayn in aanu u dareeno wax damqasho ah”.

Waxa uu janaraalka shaca ka qaaday in ay sii wadi doonan dadaalada ay ku taaagerayaan dawlada Somalia iyo sidi wadanka looga ciribtiri lahaa kooxda Al-shabab isagoona tusaale u soo qaatay iskashiki ay sida wadajirka u sameyen AMISOM  iyo ciidamada Soomaaliya in ay sababtay in Shabab ay isaga baxaan magaloyinka Marka, Kismaayo iyo Muqdisho.

Wasirka arimaha gudaha xukuumada soomaaliya ayaa waqti hore ka badbaaday weerar dagaal oo ay kooxo Al-shabab ku qaadeen gaari uu la socday oo maraysay magalada Marka ee gobolka shabeelaha hoose oo 110-km u jirta konfurta muqdisho ee Soomaaliya wax dhibaata ah kama soo garin.

wasiirka weerarkaasi balse wararka qaarkod ayaa tilaamamaya in rasaas halkasi la isku weydaarsaday ay ku geeriyoodeen 10-askarta Dawlada Soomaaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.