Madaafiic lagu garaacay Villa Somalia

In ka badan shan madaafac ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu garaacay Xaafado ka tirsan degmooyinka wardhiigley iyo Boondheere oo ku dhaw Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mid kamid ah madaafiicdaasi ayaa ku dhacay guri ay deganyihiin dad shacab ah kaasoo ku yaalla degmada Boondheere waxaana ku dhintay saddex qof halka ay ku dhaawacmeen afar kale.

Sidoo kale madfac kale ayaa ku dhacay guri kale oo ku yaala degmada Wardhiigley waxaana dhaawac uu kasoo gaaray saddex qof oo ay ku jiraan caruur aad u da’ yar.

Ma jirto illaa iyo xilligaan cid sheegatay masuuliyadda madaafiicdaasi lagu waxyeeleeyay dadka rayidka ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay bilaabay howlgallo lagu barayo dadkii ka dambeeyay madaafiicdaas oo sida loo badinayo ujeedkoodu ahaa in lagu garaaco Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia inkastoo aaney jirin wax madfac ah oo ku dhacay gudaha Madaxtooyada sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Villa Somalia

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.