Mareekanka oo sheegay in ay ka go’antay tirtirada Shabab

Mas’uul sare oo ka tirsan Taliska Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka wadaan Qaaradda Afrika, General Carter Ham ayaa sheegay inay dowladiisa ka go’an tahay sidii cagta loo marin lahaa Kooxaha Islaamiyiinta ee Xagjirka ah ee ka hawlgala qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.

General Carter ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Kambuska Jaamacadda George Washington University oo ku taalla magaalladda Washington DC, wuxuuna tilmaamay inuu Taliskiisa ka go’an tahay sidii loola tacaali lahaa Kooxaha Mintidiinta Islaamka eek a dagaalanta Geeska Afrika ilaa Waqooyiga Afrika.

‘Waa naga go’an tahay inaan gacmaha ula tagno Xagiriinta Alshabaab Somalia ilaa Kooxda Boka Haram ee dalka Nigeria’ ayuu yiri General Carter Ham, oo geesta kale xusay inay casharo waayo-aragnimo ah kaga kororsadeen Hawlgalka ay Ciiddamadda AMISOM kula jiraan Kooxaha Argagixisafdda ee Alshabaab.

Mas’uulka waxa uu ammaanay sida ay Ciiddamadda Afrikaanka ee AMISOM, xididada ugu siibeen Kooxda Alshabaab, wuxuuna qiray inay Dowladda Maraykanka iyo Beesha Caalamka gacan ka geysteen sidii Maleeshiyadda Alshabaab looga saari lahaa magaalladda Kismaayo iyo qeybo ka mid ahaa Muqdisho.

Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Dowladaha Reer Galbeedka, ayaa waxay taageero dhinacyadda Maaliyadda, Milliteriga iyo Loojistikadda ku taageeraan Ciiddamadda AMISOM, oo iyagu hawlgal xooggan kula jira Maleeshiyadda Alshabaab ee naf-la-caariga ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.