Fannaan Axmed Heybe oo Muqdisho ku geeriyooday
Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Axmed Heybe Carraale oo ka mid ahaa fannaanniintii hobolladii qaranka ee Waaberi.
Marxuumka oo ku geeriyooday isbitaalka Madiina ayaa la sheegay in xanuun ku soo booday galabta halkaa loo geeyay, iyadoo aan la ogayn waxa uu rasmi ahaan ugu geeriyooday.
Maareeyaha tiyaatarka qaranka abwaan Cabdi Dhuux ayaa ehellada iyo qaraabada uu ka baxay Axmed Heybe Carraale uga tacsiyeeyay geeridiisa, wuxuuna abwaanka sheegay in berrito aas loo sameyn doono.
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
Ayaanle
on December 6, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
You must be logged in to post a comment Login