Muqdisho, 06, Dec, 2012 | Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.
Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.
Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.
Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.
—Dhamaad—
–
![]() |
You must be logged in to post a comment Login