Qarixii ka dhacay Islii oo lagu tuhmay Shabab

Iyadoo habeenkii xalay uu qarax ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka gaar ahaan xaafada Soomaalida ee Islii ayaa dowlada wadanka Kenya waxa ay durbadiiba eedeyntiisa dusha kaga tuurtay dhalinyaro ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya.

Warbaxin ay ka qortay wakaalada wararka Reuters qaraxii xalay Nairobi ka dhacay waxa ay ku sheegtay in qaraxa eedeyntiisa lala xiriirinayo Ururka Al-Shabaab oo inta badan falalka amaandari ee Kenya ka dhaca ay mas’uuliyiinta Kenya ay la xariiriyaan Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa sheegey in qaraxa uu ahaa mid argagixiso ah oo lala damacsanaa in waxyeelo loo geysto garoon ciidamada cirka Kenya ay lahaayeen oo ku yaala goob aan sidaa kaga fogeyn halka uu qaraxa uu ka dhacay.

Goob jooge la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa tilmaamay in markii qaraxa uu dhacay kadib ay goobta soo gaareen ciidamo Poliis Kenyaati ah oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Ilaa iyo iminka Al-Shabaab wax war ah kama soo bixin Al-shabaab ee ku aadan eedeynta loo jeediyay.

Ugu dambeyntii Dowlada Kenya ayaa inta badan falalka lidi ku ah ammaanka ee ka dhaca dalka Kenya waxa ay la xariiriyaan rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan gudaha dalka Kenya.

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Qarixii ka dhacay Islii oo lagu tuhmay Shabab

  1. beenta kama xishootaan ilaahay idin qabay.canada waad joogtaan wax aan lasoo baarin cidna looma saariyo.shuqul mooryanka dhaafa ee wz hubsada frist yaa juhalaa