Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Tacsi u direysa ehellada marxuum Sabtow .

Muqdisho – Khamiis 06 Dec 2012 | Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay tacsi u direysaa Ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo ahaa Khasnajigii Wasaaradda  oo 04-tii bishan December  ku geeriyooday Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ,halkaasoo mudadii ugu dambeysay noloshiisa uu ku xanuunsanayay.

Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo da’diisu aheyd 52 sano jir ayaa waxa uu ka mid ahaa howlwadeenada kartida iyo hufnaanta leh , isagoo Wasaaradda ku soo biiray sanadkii 2008-dii , waxaana lagu xasuustaa kaalintii wax ku oolka ahaa ee uu kaga qeyb qaatay shirkii lagu dhisay dowladdii Federaalka KMG aheyd ee lagu qabtay deegaanka Embagathi  ee Mgaaada Nairobi sanadkii 2004-tii.

Marxuumka oo ku dhashay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xilligii dowladdii milatariga kaga mid noqday shaqaalaha dowladda hoose ee gobolkaasi , waxaana uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,Aamiin… Aaamiin.

INAA LILLAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

.

______________________ 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.