Weerara lagu qaaday Taliye xigeenka Suuqa Bakaaraha

Weerar la adeegsaday bam-ka gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayado ay halkaasi kadhaceen dhaawac farabadan iyo qasaare hantiyeedba.

Sida aanu ku heleyno warar ka imaanaya suuqa Bakaraha ayaa sheegaya in ku dhawaad labaatameeyo shacab isugu jiray ganacsato iyo shacab kale oo suuqa wax ka iibsanayay ay ku dhaawacmeen. Weerarkan ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay inuu ka dhacay qeybta dahablaha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho.

Sida ay tibaaxeen warar ka imaanaya booliska Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in weeararkan ladamacsanaa in lagu wax yeeleeyo taliye ku xigeenka ciidamada booliska suuqa Bakaaraha oo xilligaas ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxan ka dhacay, hase yeeshee taliye ku xigeenka ayaan waxba ka soo gaarin weerarkan sida ay sheegeen dad ku sugan suuqa Bakaaraha.

Ciidamada booliska suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka sababay dhaawaca tirada badan ee suuqa Bakaaraha, iyadoo dad badan loo qabqabtay weerarka bam gacmeedka.

Weerarka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhacay suuqa Bakaaraha muddooyinkii la soo dhaafay iyadoo dhowaan xaalada ammaan ee suuqa Bakaaraha iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ay soo wanaagsanaanaysay.

Hase ahaatee dhowaan ayaa lagu diley bartamaha suuqa Bakaaraha guddoomiyihii gacansatada ee suuqa bakaaraha iyo kornel ka tirsanaa ciidamada.

.

.
_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.