Madax Sirdoonka Afganistan oo badbaaday

Asadullah Khalid Madaxii sirdoonnka dalka Afghaanistaan ee NDS ayaa dhaawac culus kasoo gaaray weerar bambaano oo lala beegsaday maalinimadii shalay (Khamiis).

Weerarkan ayaa ka dhacay xarun ay sirdoonka Afghaanistaan ku leeyihiin magaalada caasimada ah ee Kabul.

Waxaa la rumeysan yahay qof iska dhigayey inuu ahaa Nabadoon uu isku qarxiyey Agaasimaha sirdoonka Mr.Asadullah Khalid, waxaana la sheegay in mas’uulkan lagu sameeyey qaliin, xaaladiisana ay hada degen tahay sida uu sheegay Afghayeenka Madaxtooyada Afghaanistaan.

Madaxweynaha Afghaanistaan Xamiid Karsaay ayaa isbitaalka lagu qalay ninkan booqday, ayadoo la sheegay in dhiig bax badan uu ku yimid Asadullah Khalid oo hada lagu hayo isbitaal ku yaal Kabul oo si weyn loo illaalinayo.

Asadullah Khalid oo horey uga mid ahaan jiray Golaha Wasiirada ayaa dhawaan loo magacaabay xilka hogaanka sirdoonka, waxaana horey loogu eedeeyey ninkan inuu jirdil u geysto dadka ay qabtaan sirdoonka, sida ay sheegeen hay’adaha xaquuqda Insaanka u dagaalama ee reer Galbeedka.

Kooxda Talibanka ayaa dar dar gelisay weerarada ay la beegsaneyso madaxda dowlada Afghaanistaan, xili  lagu wado in labo sano kadib ay ciidamada shisheeye wadankaasi isaga baxaan.

Ciidamada NATO ayaa qorsheystay in sanadka 2014ka ay ka baxaan dalka Afghaanistaan oo awooda ku wareejiyaan ciidamada dowlada Afghaanistaan,kuwaasi oo hada u muuqda inaysan ka guuleysan kooxda Talibanka oo weli ku xoogan qeybo kamid ah gobalada dalkaasi.

.

.

____________________________________________


Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.