Odayaashii saxiixay Dastuurka oo kala fakad maraya…

Xili dhawaan magaalada muqdisho lagu dilay oday dhaqameed kamid ah odayashii soo ansixyey dastuurka dalka ayna ka dhigeyso tirada kii seddexaad ee la dilo ayaa waxaa arintaasi waxa walaac ka muujiyey qaarkamid odyaasha dhaqanka somaliyeed oo iyagu ka baqanaaya inay ku baxaan Gacanta Shabaab.

Suldaan Caydaruus Suldaan C/casiis oo kamid ah odayashii ansxiyey dastuurka dalka  oo wareysi siinayey idaacada knn muqdisho soomaaliya ayaa dhaliil u soo joodiyey madaxda dowlada taas oo ku aadan iney dowlada ka gaabisay sugida amaanka odaysha dhaqanka ee dhismaha dowlada qayb weyn kasoo qaatay waxa uuna ka codsaday in ay wax ka qabtaan dilaka lala eeganayo odasyaahsa dhaqanka.

Sidoo kale waxa uu shegay suldsaan caydaruus in qaar kamid odayaasha ay ka carareen dalka kuwa kalena ay bixi doonaan hadii arinta dilalka ee lala eeganayo ay sii socoto sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii  ayaa mar  wax laga weydiiyay  cida ay sida tooska ula egtahay in dilalkan ay ula bartilmaameedsanyaan odayaasha dhaqanka ee soo ansaxiiyey dastuurka  ayuu xusay in eysan aygu hada cid gooni ah ku eedayn Karin haseahaate cidkasta oo ka danbeysa loo bahan yahay in wax laga qabto.

.

.

___________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.