Prof. Jawaari oo baaq u diray Dhalinyarada Somalia

Ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahana Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ardayda ah ee haatan wax ka barta magaalada Muqdisho ay wax u bartaan bad-baadinta dalkooda Somalia sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadalka jeediyay xilli kulan la qaatay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ardayda haatan ay yihiin Mustaqbalka wadanka ee bari islamarkaana sheegay in dalka ay iyagu xakumi doonaan xiliyadda nagu soo beegan.

Maxamed sheekh Cismaan Jawaari wuxuu hadalkiisa intaasi ku si daray in dowlada Soomaaliya ay ku dhiira galinayso ardayda Soomaaliyeed in ay waxbartaan isla markaana heerka waxbarashada dalka kor loo qaado si looga bad-baado waxa uu ugu yeeray Musuq-maasuq baahay.

Gudoomiye Jawaari hadalkiisan waxaa uu ku soo aadayaa xilli caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ku sugan yihiin arday aad u badan oo wax ka barta jaamacadaha kala duwan iyo macaahidda ku yaala muqdisho waxaana jira arday kale oo wax ka barta gobollada dalka kuwaasoo uu sheegay in dalka uu gali doono gacantooda.

.

.

____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.