Shabaab oo Kismaanyo xoog kusoo galay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal xooggan.

Dagaalkaas ayaa udhaxeeyay ciidamada dowlada oo kaashanaya Militeriga Kenya iyo Al-Shabaab oo magaalada weerar kaga soo qaaday labo jido.

Wararka aynu ka helayno magaalada ayaa sheegaya in dagaalkan uu si gaar ah kaga dhacay Farjano oo ay ku badan yihiin Saraakiisha dowlada ee magaalada gacanta ku haysa.

Hub aad uclus ayaa laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, iyadoona Shabaab ay gudaha usoo galeen magaalada.

“Dagaalka saakay ayuu xoogiisu dhacay, waxaana Shabaab ay soo galeen xaafada Farajano”ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka

Inkastoo aan la ogaan karin qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, hadana dad kusugan magaalada ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo la geeyay isbitaalka guud ee magaalada halka dhimasho ay jirto laakiin aan wali shacabka la tusin.

Saraakiisha dowlada ee magaalada kusugan oo aan Taleefan kula hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalkan ka dhacay magaalada Kismaayo.

Marar badan ayay sidaan oo kale Shabaab ku weerareen magaalada Kismaayo oo ay kusugan yihiin ciidamo isugu jira Soomaaliy iyo KENYAN.

.

____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.