Ururka SYL II oo qabtay bandhig Dhaqanka iyo Afka-Soomaaliga

Bandhig lagu dhiira gelinayo dhaqanka iyo Afka Soomaaliyed ayaa maanta Naadiga dhaqanka ee Ururka dhalinyarada Soomaaliyed ee SYL II ku qabtay magaalada Muqdisho.

Bandhigan oo ahaa noociisa kii u horeeyay ee lagu qabto magaalada Muqdisho, laguna soo bandhigo dhaqanka, suugaanta, ciyaarta hidaha iyo dhaqanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano iyo, Abwaano, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Ismaaciil Macalin Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay bandhigan, isagoo tilmaamay inay Wasaaradi dhiira gelin doonto dhaqanka Soomaaliyed iyo soo nooleynta Afka soomaaliga, waxaana uu ku ammaanay Ururka SYL II soo bandhigida dhaqankii Soomaaliyed ee la yaqiinay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka hadlay bandhiga ayaa ugu horeyn ka faalooday heerarkii uu soo maray dhaqanka, isagoo is bar bar dhig ku sameeyay suugaanta xoola dhaqatada iyo beeraleeyda Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo hadal ka jeediyay bandhiga ayaa dhankiisa cadeeyay inay aad ugu riyaaqeen bandhigan, waxaana uu xusay inay dhiira gelinayaan soo nooleynta dhaqankii suubanaa ee soomaalida laheyd,  waxaana isaga iyo Abwaano kale oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Guure, Axmed Cabdi Farey ay gabayo kala duwan ku cabireen aragtidooda ku aadan bandhigan.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah waayo arag iyo cilmi baare afka Soomaaliga ah isagoo  ka sheekeeyay taariikhda afkeena Soomaaliga  iyo hodantinimadiisa kuna booriyay dhalinyarada in ay ka qeyb qaataan ka hortagga dabargo’a erayga Soomaaliga ah isagoo ula jeeda in aan la isticmaalin erayada qalaad, iyadoo la heli karo eray af Soomaali ah.

Dhalinyarada ka qeyb galay bandhiga oo xirnaa dharka hidaha iyo dhaqanka ayaa soo bandhigay ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka Soomaaliyeed, maansooyin isugu jiray heeso, gabayo iyo maanso howleed sidoo kale waxaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqankeena ku soo bandhigay naadiga dhaqanka Rajo ee ururka SYL II  sida ciyaarta dhaantada,  beereyda  iyo  ciyaarta loo yaqaano shiribka oo iyana ay halkaasi ku soo bandhigeen barbaarta gaashaaman .

Ugu dambeeyntii ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay agabka dhaqankeena iyo hidaheena  oo aad u qurux badan iyo cunooyin kala duwan oo ku dhex jiray alaabaha dhaqankeena sida xeerada, fandhaalka,  dhiillo, toobte, xaarin, kurbin iyo kuwo kale oo aad u qurux badan, waxaana uu bandhigan ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo ka qeyb galayaasha ay ahaayeen kuwo soo dhoweynayay qaabka bandhiga u dhacay oo ahaa kii u horeeyay oo Muqdisho lagu qabto tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.

.

.

______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.