Ururka Somali anti Pirates Solution oo siminaaro kusoo xiray Muqdisho, Galkacayo & Cadaado.. DAAWO SAWIRADA

Ilaa sadax siminaar oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacayo iyo Cadoodo ee wadankaSomaliaayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay siminaaro sara loogu qaadayo tayada dhalinyarada loogana wacya galinayo qatarta ay leedahay burcadbadeednimada guud ahaan gobolada Banaadir iyo Mudug ee wadankeena.

Ujeedka siminaaradaasi ayaa ahaa sidii looga wacya galin lahaa dhalinyarada in ay u bareeraan burcad-badeednimada ayadoona Ururka Somali anti pirates Solution uu kaalin lixaad leh ka qaadanayay mudooyinkii ugu danbeeyay yareenta dhalinyarada ku hingowday doonayana in ay ku biiraan burcadbadeeda ka qowleysata biyahaSomalia.

Waxaa kasoo qeyb galay Dhalinyarado, Aqoonyahano, Dhaqameed iyo Haween aad u fara badan oo u dhuun daloola dhibaatada iyo qatarta burcadbadeednimada ayadoona marka doodo lagu falanqeyna arintaasi laga dooday in muda ah.

Pro. Xuseen Salaad Weheliye Jeesto oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliya ayaa ka mid ahaa aqoonyahanadii kasoo qeyb galay kulankaasi isagoona bayaan aad u dheer kasoo jeediyay madasha ayuu ku dheeraaday saameynta dhalinyarada iyo burcadbadeeda waxa uuna sheegay in laga hortagi karo dhibaatada ay ku leedahay burcada bulshada dhexdeeda.

Profasoorka ayaa aad ugu dheeraaday arimaha la xiriira deegaanka isagoona sheegay in dhalinta ay yihii halka uu kasoo alkumo dhibka iyo dheefta bulshada la xiriira taa oo uu sheegay in gobolka uu yahay mid la jaanqaado dhibaatooyinka kale ee ka jira guud ahaan gobolada wadanka oo lagu xanto in uu yahay mid la ciirciiraya dhalinyaro aad u fara badan hadana aanan looga faa’ideysan xiligooda.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta dhalinyarado, hooyooyin intooda badan ka wax badan ka og’ arinta burcadbadeednimada ayadoona sheegay in dhalinyarada ku nool guud ahaan gobolka looga faa’ideyso jawaanib kale oo aad u fara badan ayagoona sheegay in dhalinyarada soomaaliyeed ay yihiin kuwa aanan ka faa’ideysan kheyraadka dhulkooda dagaalada iyo dhibaatooyinka jira xiligaan.

 

Ururka Somali anti pirates Solution waa urur inta badan ka wacya galiya dhalinyarada soomaaliyeed in ay ku biiraan burcadbadeeda ayadoona kulumo sidaan oo kalana dhalinyaro badan ugu qabtay wadamadaKenyaiyoSomaliaoo looga gol lahaa sidii looga wacya galin lahaa dhalinyarada looguna abuuri lahaa shaqooyin kale.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.