BREAKING NEWS.. Ciidamada dowlada oo galay Jowhar

Warar hada naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegayaa in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gudaha ugaleen magaalada.

Sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gudaha ugalay magaalada Jowhar.

Sidoo kale wararka ayaa sheegayaa in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kasii gudbeen isbitaalka degmada Jowhar oo ku yaala afaafka hore ee Jowhar la galo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ridaya rasaas fudfudud taasi oo ay maqlayaan shacabka Degmada Jowhar dhawaqa rasaasta.

Xaalada ayaa hada waxa ay tahay mid kacsan iyadoo ciidamada Shabaab ay isag baxeen guud ahaan Magaalada islamarkaana shacabka Degmada Jowhar ay ku yaaceen xafiisyadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Degmadaasi.

Ciidamada Shabaab ee ka baxay Magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay aadeen dhanka Magaalada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan halkaasi oo ay joogaan ciidamo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.