Wararka ka imaanaya degmada Hodan gaar ahaan xerada ciidan ee Tolmo ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xoogan oo aad loo maqlay.
Qaraxan ayaan lsoo sheegayaa inuu ahaa bambo halkas lgu qaaday ayaa lasoo shegayaa inuu gasyatay qasaarooyin soo gaaray ciidamada dowlada oo xarun kulahaa xeradaas.
Inkastoo an la ogayn qasaaraha rasmiga ah, hase ahaatee Saraakiil katirsan ciidamada dowlada ayaa inoo sheegay in ay jirto waxyeelo weerarkaas qaraxa ah ka danbeeyay.
Ciidamada dowlada ayaa howlgalo ka sameeyay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka xerada uu ka dhacay qaraxan lala beegsaday ciidamada.
Qaraxyada iyo falalka kale ee dilalka ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho xili howlgalo balaaran ay magaalada ka wadaan ciidamada amaanka.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login