Maamulka Hiiraan oo isku kacsan

Masuuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan ayaa shaaciyay inuu sii xoogeestay khilaafka udhaxeeya maamulka Gobalka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Gobalka Hiiraan Axmed Cabdalla Inji ayaa sheegay inuu jiro khilaaf xoogan oo udhaxeeya masuuliyiinta maamulkaasi.

Wuxuu sheegay inuu khilaafkaasi udhaxeeyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowlada Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Gobalka kala shaqeysa.

Sababaha keenay khilaafka udhaxeeya maamulka ayuu ku sheegay inuu yahay Maamulka Gobalka Hiiraan inuusan aheyn mid ushaqeeya shacabka Gobalkaasi islamarkaana uu ka shaqeeyo waxyaabo aan ku dheehneyn rabitaanka shacabka Gobalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday inay soo fara geliso khilaafaadka ka taagan Gobalka Hiiraan,hadii kalena ayuu sheegay inay suuragal tahay in dagaalo qabiil halkaasi ay ka dhacaan Gobalka Hiiraana uu dib ugu noqdo dagaal beeleed.

Khilaafka udhaxeeya masuuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan ayaa soo shaacbaxay muddooyinkaan dambe iyadoo masuuliyiinta Gobalkaasi ay eedeemo dhanka warbaahinta ah isku marinayeen.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.