SSE OO CAMBAARAYSAY DADKII LAGU DILAY MUDAHARAADADII HARGEYSA KA DHACAY

Dallada SSE oo ay ku bahoobeen  Jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxay  ugu horayn hambalyaynayaynaysaa  shacbiwaynaha Somaliland  sidii qiimaha lahayd ee ay  ugu soo baxeen doorashooyinkii golaha degaanka ee dalka ka qabsoomay 28.Nov.2012 ka, iyaga oo saacado badan qoraxda u taagnaa sidii ay xisbiga iyo shakhsiga ay rabaan codkooda ugu dooran lahaayeen.

SSE Waxa ay cambaaraynaysaa  Falkii arxan darada ahaa ee 06 iyo 07. Dec.2012 ka  dadka shacbiga ah  iyaga oo mudaharaad  ku muujinaya  cabashadooda  xabada  nool loo adeegsaday.

Waxaan xukumada kula taalinaynaa in ay ka waantowdo adeegsiga  rasaasta, maadaama oo aanay dhacdadani ahayn tii ugu horaysay ee dad shacbi ah oo mudaharaadaya xabad lala dhaco.

(Waa in laga hawl galo sidii booliiska loogu helilahaa qalabka rabshadaha lagaga hortago si).

 Sidoo kale  waxaanu u soo jeedinaynaa cid kasta  cabasho qabtaa in ay  u marto nidaamka sharci ee aynu dhiganay.

Waxaanu ka codsanaynaa in gudi loo saaro sababta keentay dhimashada iyo dhawaaca intaas leeg iyo sidiin aanay  musaqbalka  tan oo kale u dhici lahayn.

Waxaanu  guud ahaanba shacbiga  Somaliland gaar ahaan  qaraabadoodii ka tacsiyaynayaa, dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay dhacdadaas naxdinta leh.

SSE  Waxa ay guud ahaanba shacbiga Soomaaliland gaar ahaan Gudiga doorashooyinka , xukuumada iyo Ururada cabanayaba  ugu baaqaysaa in si wada jir ah nabadgalyada loo ilaaliyo.

Wixii cabasho ahna  la isa soo hor fadhiisto  oo la iska qanciyo.

 (Waa in caqligu shaqeeyaa ee aanay cududu shaqayn)

Tubtaas  oo ah ta ay Somaliland halkan ku soo gaadhay, isla markaasina xudunta u ah  wadajirta iyo dhawrida qaranimada aynu maanta hadhsanayno.

Alle ayaa mahad leh,

Guddigaa fulinta

Ururka SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.

.

.

M-amiin Siyaad | radiohormuud@gmail.com

_________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.