Xildhibaanada Baarlamaanka oo codsaday in laba wasiir horyimaadaan

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya wuxuu ku yeeshay kulan ballaaran oo looga hadlayo arimo badan oo kamid ah arimaha Dowladda Soomaaliya.

Inkastoo ajandaha uu ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya ay hor imaadaan labo wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa wasiiradaasi aysan horimaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusman Jawaari ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Marwo Fowsiya oo kamid aheyd labada wasiir ee loo yeeray aysan soo xaadirin sababah ayaana lagu sheegay inay ka qeybgalysay shir ka dhaca Garoonka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka arimaha gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya uu isna kamid ahaa wasiirada loo yeeray hayeeshe uusan imaan kulanka isna.

Ujeedada Wasiiradaasi loogu yeeray Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa inay yimaadaan ayaa waxa ay tahay si su’aalo looga weydiiyo arimaha la xiriira howlaha wasaaradahooda ay qabtaan.

Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka Soomaaliay wuxuu doonayaa inuu weydiiyo su’aalo la xiriira sida safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga loo kireeyay iyo arimaha ka dambeyay taasi.

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Somaaliya ayaa isaga la weydiinaya arimo la xiriira talaabada maxkamada cidamada qalabka sida ay u xireen wariyaha Idaacada Bbc-da e Magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaliya ayaa aqlabay cudurk ah inay mashquulsan yihiin wasiiradaasi balse markale ay horimaan donaan Baarlamaanka.

.

Xafiiska wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Xildhibaanada Baarlamaanka oo codsaday in laba wasiir horyimaadaan

  1. Xildhibaano Qayilaad madaxa ka waashay.

    Laba Wasiir ha na horyimaadan?

    why 2 Wasiir u hor imanayan? Somali inta ay talada hayan badawiin aqli iyo aqoon lahyn,ha ka yaabina in Somali horumar gaadho.