Dad loo xirxiray dilkii askari ciidamada booliska Kenya

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howl galo xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ku qab qabtay dad dhowr ah oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin labo ruux oo toogasho lagu dilay, halka labo kalena la dhaawacay.

Dilalkan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada ayaa rag wajiyada soo qarsaday oo bastoolado ku hubeysnaa ay toogasho ku dileen dad fadhiyay meel dukaan ah oo uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada booliska Kenya.

Sarkaal ka tirsan Booliska Gaarisa ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay baxsadeen, balse ay baadigoob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Lama oga tirada dadka lagu soo qabtay howl galada, hase ahaatee booliska ayaa tan iyo xalay howl galkooda ahaa mid xiriir ah.

Dilalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii kordheyso amaan darada ka jirta magaalooyinka Kenya uu isa soo tarayo, waxaana horaanta sanadka soo socda lagu wadaa in Kenya ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimada dalkaas.

.

_______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.