Maamulka Gobolka Banaadir oo taageeray Guusha Ciidamada ay ka gaareen Gobolka Sh/Dhexe

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu taageerayay Guulaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa Caawinaya ee Amisom ay ka gaareen gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii maleeshiyada haraadiga ah ee Shabaab ay ka xoreeyeen inta badan gobolkaasi.

Munaasabadan oo galabta galinki dambe lagu qabtay xarunta degmada Shingaani, ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta maamulka G/Banaadir oo uu ugu horeeyay mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Afhayeenka Maamulka G/Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, Guddoomiyaha degmada Shingaani, qaar kamida guddoomiye yaasha degmooyinka, boqolaal shacab ah iyo faaniin.

Waxaana lagu taageerayay guulaha ay ciidamada ka gaareen gobolka Sh/Dhexe, iyadoona halkaasi ay ka hadleen masuuliyiin iyo ururada bulshada ee degmada Shingaani, kuwaasoo dhamaan codkooda Taageerada ku biiriyay guushaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo halkaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday in shacaka reer Muqdisho iyo Maamulka G/Banaadir ay markasta garab taagan yihiin Ciidamada Geesiyaasha Qalabka sida ee Soomaaliyeed, iyo kuwa Amisom ee caawinaya.

Waad ogtihiin in Guddoomiye yaasha degmooyinka ay taageero garab ah ay la daba taagnaan jireen markata oo ay ciidamada degmooyin katirsan gobolada aan dariska nahay ay xoreeyn, tanina maanta waxaan leenahay waan idin taageersanahay ee sii wada xoreynta dalka.

Boqolaal shacabka degmada Shingaani ah ayaa codkooda ku muujiyay sida shacabka Muqdisho oo dhan a ugarab taagan yihiin ciidamada iyo guulaha xoreynta dalka.

.

.

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir | Mogadishu-Somalia | media@mogadishucity.net

________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.