Baarlamaanka Soomaaliya oo markii ugu horeysay su’aalo weydiiyay wasiiro ka tirsan xukuumada cusub

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan uu ku yeeshay xarunta Golaha shacabka waxaa aay so,aalo ku weydiiyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, oo horay baarlamaanku u codsaday in aay hor yimaadaan si su’aalo loo weydiiyo.

Fadhiga maanta ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari isagoo aqriyay so,aalaha la weydiinayey waziirada oo ku aadan howlaha wasaaradahooda laga weydiiyay labada Wasiir, waxaana durba bilaabtaya in so,aalo la weydiiyo labadaan waziir, iyadoo aay ugu horeysay waziirada arimaha dibada marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji oo la weydiiyay so,aalo gaar ahaan waxa ay ka ogtahay Wasaaradeeda kireynta dhismaha Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Talyaaniga.

Fowziyo ayaa sheegay in arrinta kireynta Safaarada Soomaaliya ku leedahay Talyaaniga ay ka warheyso isla markaana ay uga damqaneyso sida aay uga damqanaayaan baarlamaanku waxeeyna sheegtay in gudi ay madax u tahay oo qaabilsan sidii hantida qaranka loo babbadi lahaa loo saaray , sida dhismayaasha safaaradaha, xarumihii dowladda, diyaaradihii, maraakiibtii dib loogu soo celin lahaa.

Waxaa kale oo aay sheegtay in arintaan aay iyada ka horeysay “Aniga arrintaas waa iga horeysay, aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha mowqif baan ka qaadanay arrinta ku saabsan hantida qaranka, gudi aan madax u ahay ayaa loo saaray sidii loo baari lahaa hantidii luntay, sida maraakiibtii, diyaaradihii iyo hantidii dalka ka maqneyd”ayay tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka jawaabeysay su’aalaha ay weydiinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa isna su’aalo la weydiiyay Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, kaasoo ku saabsanaa xarigii wariyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo todobaadkii hore la sii daayay,waxa uu na hseegay sheegay in xariga Wariyaha BBC-da ay ka dambeysay markii uu tabiyay war hal dhinac ah, isagoo sheegay in Ibraahim uu shaqada ku cusbaa, isla markaana tababar xirfadeed uusan laheyd.

“Horta Ibraahim shaqada waa ku cusbaa, labo bil ayuu shaqeynayay, waxaa jirta in uusan tababar xirfadeed uusan laheyd, markii laga wareystay wiilka la dilay inoo noo sheego ama uu keeno Maxmakada horteeda cadeyn wuu awoodi waayay, ninka aabihiis uu wareystay meel kuma ogeyn Jowhar ayuu joogay isaga iyo qareynkiisa, waligey ma arkin ayuu dhahay, halkaas waxaa ka muuqata inuu ku xadgudbay shaqadiisa xirfada aheyd iyo wariyenimadiisa”ayuu yiri C/xakii Xaaji Maxamuud Fiqi.

.

.

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.