Iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhawaan gacanta ku dhigeen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir wuxuu soo dhaweeyay horumarada ciidanka ay ka gaareen Gobalkaasi.
Wuxuu sheegay in guusha ay kasoo hooyeen ciidamada Dowladda Soomaaliay iyo kuwa AMISOM Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ay tahay mid taariiqi ah oo mudan in la taageero.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegay inay ciidanka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin taageero ballaaran.
Labo maalin ka hor ayeey aheyd markii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay cagta saareen Degmada Jowhar oo ay muddo afar sano ah maamulayeen.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login