Adduunka kuma dhamaanayo kalendarka reer Maaya 12/12/2012.

“Laakin Caddaalad darrada iyo musuq maasuqa ayaa ku dhamaan doona”

BAAQ KA SOO BAXEY XISBIGA LEEBARKA SOMALIA.

12/12/2012

Kulan ay yeesheen Hoggaanka Xisbiga Leebarka Somaliyed maanta oo ay Taariikhdu tahay Arbaco 12ka Bisha 12aad sannadka 2012, kuna beegan Sannad guuradii Koowaad ee aasaaska Xisbiga, waxaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib ka soo baxey qodobada soo socda:

1)                 Caalamka iney soo wajahdey dhibaatoyin fara badan oo ay la tacaalayaan oo ku saleysan bur bur dhaqaale, dagaallo iyo musiiboyin rabbaani ah ee ay geysaneyso dabiicada.

2)                 Jaho wareer iyo is-qab qabsi aan lahayn aragti mideysan oo loogu raadinaayo Xal waara mashaakilkaas iyo abuuris xaalado sii hurinaaya dabka iyo musiibada sii holceysa.

3)                 Wadamadii lagu yaqiiney dhaqaalaha hormarey ayaa haatan ku sugan xaalad Allow sahal amuuraha ah, kana socdaan banan baxyo rabshado wata oo salka ku haaya bur burka dhaqaale, shaqo la’aan baahsan, gaajo iyo faqri soo wajahdey dalalkaas, xal muuqdana aysan u haynin.

4)                 Waxaa iyana ka siidareysa xaaladda wadamada saboolka ah haba ugu sii darnaadaan kuwa Afrika oo qarka u saaran bur bur iyo halaag aan lahayn aragti iyo maskax lagu bad baadiyo sababo la xiriira maamul xumo, musuq maasuq iyo dhac loo geysanaayo Hantidii Qaranka iyo tan dadweynahaba.

5)                 Madaxda dalalka Afrika iyo Carabta oo Nidaamkii Dawladnimo ka dhigtey Nidaam iyaga iyo ehelkooda iyo Asxaabtooda ku keli yeeley, awoodda Xafiiseedna ay ka dhigteen mid ay ku fushadaan danahooda gaarka ah sida dhaqaalaha, sharafta iyo karaamadaba, taasoo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda dawladnimo.

Arrimahaas oo dhan waxey Hoggaanka Xisbiga Leebarka isla garteen iney sabab u yihiin “ CADAALAD DARRO, DADNIMO XUMO, XISHOOD DARRO, DIIN IYO DAMIIR LA’AAN “ loona baahan yahay in si deg deg ah ay Shacabka wax uga qabtaan si loo joojiyo xad-gudubyadaas oo haddii ay sii socdaan dhici karta iney u horseedaan bur bur iyo halaag iyo Caradii Ilaaheey iney ku hoobsato kuna soo dhacdo, Allaha naga koriyee.

Ugu dambeyntii Hoggaanka Xisbiga wuxuu isku raacey in Adduunka iyo Somalia lagu bad baadin karo keliya “ Cadaalad Run ah, Shaqo, Sharaf, iyo Allah ka cabsi “, arrimahaas oo lagu gaari karo keliya in lagu midoobo Siyaasadda Xisbiga Leebarka oo sida taariikhda ina bareyso ay dhowr jeer hore loogu soo bad baadiyey Adduun dhaqaale la’aan iyo musuq maasuq halaagey laguna tir tirey sed buursiga dhaqaale.

 .

.

Maxamed Sheikh – Afhayeenka XLS                         Email: solaparty2011@yahoo.ca

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.