Ciidamada Kenya oo qabtay dad hub gelinayay wadankooda

Ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda ayaa shalay gelinkii dambe gacanta ku dhigay dad saarnaa gaari oo watay hub iyo bambaanooyin, kuwaas oo doonayay inay geliyaan gudaha kenya.

Gudoomiyaha magaalada Gaarisa Maxamed Maalin ayaa sheegay in dadkan ay qabteen ay ahaayeen 10-ruux, balse ay baxsadeen afar ka mid ah.

“Baabuur ayay saarnaayeen, afar ka mid ah ayaa ka booday, lix ayaa gacanta ku heynaa, labo dumar ah iyo afar, waxay wateen bastoolado, iyo bam nuuca gacanta iyo rasaas”ayuu yiri Maxamed Maalin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hubkan iyo bambooyinka loo waday magaalada Gaarisa iyo magaalooyinka kale, si falal amni daro looga geysto, waxaana uu xusay in dadka ay hayaan su’aalooyin lagu weydiinayo Xerada Xagardheer, kadibna loo gudbayo Gaarisa.

Waxaa uu sheegay inay xog ku heleen weeraro lala damacsan yahay Gaarisa, Mombasa iyo Nairobi, waxaana uu ugu baaqay dadka Kenyanka in aanay gaadiidkooda ka kireyn waxa uu ugu yeeray burcada.

Ciidamo fara badan oo Milateriga Kenya ayaa la soo dhoobay xuduuda, si ay u xaqiijiyaan ammaanka, iyadoo maanta ay ku beegan tahay, maalintii ay xornimada qaateen Kenya.

.

______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.